Aqalka Cad Ee Mareykanka Oo Si Cadho Leh U Beeniyey War Laga Baahiyey Madaxweyne Trump Iyo Nooca Uu Ahaa Warkaasi .

0
16

USA (Saxilnews):- La taliyaha Amaanka Qaramada Mareykanka H.R. McMaster iyo xubnokale oo ka tirsan maamulka Madaxweyne Trump ayaa beeniyey waxa ka jira war ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegayey in madaxweyne Trump uu siiyey xog sir ah oo muhiim ah saraakiil Ruush oo kusoo booqatay Aqalka Cad.

Image may contain: one or more people and outdoor

Isaga oo ugu warramayey wariyaasha banaanka Aqalka Cad, ayuu McMaster sheegay in warkaan oo markiisii hore ay faafisay jariirada Washington Post ayuu yahay mid been abuur ah.

 

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson, oo isna goob jog ka ahaa kulan 10-ki bishii May xarunta Aqalka Cad ku dhexmaray Trump iyo wasiirka arrimaha dibada Ruushka, ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo muhiim ah oo ku saabsanaa khatarta argagixisada, balse uusan madaxweynuhu bixin sir.

Qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Mareykanka oo ay ku jiraan wargeysyada New York Times iyo Washington Post ayaa sheegay in xogta uu madaxweyne Trump siiyey Wasiirul khaarijiyaha Ruushka ay dhaawici karto dagaalka lagula jiro Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here