ANTONIO GUTERRES OO MAR KALE BAAQ U DIRAY HOGAAMIYAHA MYANMAR AUNG SAN SUU KYI

0
18

Myanmar:-(saxilnews.com) Antonio Guterres Oo Mar Kale Baaq U Diray Hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi

Antonio GuterresLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionAntonio Guterres

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobe Antonio Guterres ayaa mar kale ugu baaqay hogaamiyaha Myanmar, Aung San Suu Kyi,in ay soo afjarto howlgalada militari ee ku qasbay kumanaanka kun ee qof ee ah muslimiinta Rohingya in ay u qaxaan Bangladesh.

Mr Guterres ayaa u sheegay BBC in Aung San Suu Kyi ay haysato fursad ay dib u eegis ugu samayn karto xaaladda marka ay khudbadda u jeedinayso qaranka talaadada soo socota.

Mr Guterres ayaa sheegay in haddii aysan imika tilaabo qaadin ay musiibada noqon karto mid naxdin leh.

Xoghayaha guud ee qaramada Antonio Guterres ayaa carabka ku adkeeyay in dadka rohingya loo ogolaado in ay dalkooda dib ugu labtaan.

Waxa uu sheegay in ay iska caddahay in uu jiro cadaadis ka imanaya militariga Myanmar

Qaramada midoobe ayaa hore ugu tilmaamtay wax ka socda Myanmar isir sifeyn.

Aung San Suu Kyi oo hore loo siiyay abaalmarinta nabdda ayaa imika wajahaysa cadaadis xoogan oo ku saabsan in ay wax ka qabato howlgalada militari ee ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya.

Dad gaaraya 400,000 oo qof oo ah Muslimiinta Rohingya ayaa ka qaxay Myanmar islamarkana gaaray dalka dariska la ah ee Bangaladesh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here