Anil Kapoor oo shaaciyay ‘farxaddii ugu weyneyd’ ee uu la wadaagay Rishi Kapoor

0
19

Filimka Saawariya oo uu hagay Sanjay Leela Bhansali, siyaaso kala duwan ayaa looga fal celiyay, dadka qaarna way ammaaneen, laakiin kama uusan gadmin box office-ka.

Rani Mukerji ayaa filimkaas qeyb ka ahayd, halka Salman Khan uu isaguna kasoo muuqday.

Rishi wuxuu geeriyooday 30-kii bishii lasoo dhaafay kaddib markii uu labo sano la dagaallamayay kansar.

Maalintii uu geeriyooday, Anil wuxuu qoraal murugo badan ku sharraxay sababta uu Rishi magaciisa ugu yeeray James.

.Lahaanshaha sawirkaANIL S KAPOOR/FACEBOOK

“Sababta aan Rishi Kapoor ugu yeeray James waxay ahayd maadaama anigana aanan aqoonin qof kale oo u muuqaal qurxoon sida jilaaga Mareykanka ah ee James Dean, isaguna wuu jeclaa inaan magacaas ku dhoho, waligey wuxuu ii ahaan doonaa James.”

Halyeygii haasaawaha?

Rishi Kapoor with his wife Neetu and son RanbirLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionKapoor made a successful on-screen pair with actress Neetu Singh and their son, Ranbir Kapoor, is also a successful Bollywood star

Rishi Kapoor, waxaa lagu tilmaami jiray halyeygii haasaawaha ee shirkadda filimada Bollywood-ka ee dalka Hindiya.

Jilaagaca oo 67 jir ahaa wuxuu u dhintay xanuunka kansarka, kaasoo uu muddo dheer la noolaa.

Wuxuu qeyb ka ahaa jilayaasha reer Kapoor loo yaqaanno ee sanadaha badan aqlabiyadda ku lahaa filimada ugu caansan Boolywoodka.

Atoorahan wuxuu shaleemooyinka filimada lagu daawado qabsaday sanadkii 1973-kii, markaasoo uu doorkiisii ugu horreeyay oo hoggaamin ah uu ka qaatay filim ka hadlayay qiso jacayl oo dhalinyaro dhex martay.

Laakiin markii ugu horreysay Rishi Kapoor wuxuu jilista filimada kasoo muuqday isagoo carruur ah sanadkii 1970-kii, wuxuuna ka qeyb qaatay filimkii uu aabihiis Raj Kapoor jilayay ee Mera Naam Joker.

Qaar ka mid ah filimadiisii sida weyn loo daawaday waxay soo baxeey 1980-meyadii iyo 1990-meeyadii – waxaana ka mid ahaa Khel Khel Mein, Karz iyo Chandni – oo aad u gadmay.

Kapoor wuxuu filim laga dabadhacay oo jacayl ahaa la sameeyay atariishada lagu magacaabo Neetu Singh. Lamaahanan ayaa jacaylkooda aan ku ekeynin jilitaan kaliya, waxayna is guursadeen sanadkii 1980-kii.

Wiilkooda Ranbir Kapoor, wuxuu ka mid yahay jilayaasha hadda ugu caansan shirkadda Bollywood-ka, taageerada weynna heysta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here