ANIGU DALKA UMAAN IMAN INAAN WASIIR KA NOQDO,”MARNABA TALADDA IIGUMAY JIRIN INAAN TAAGEERADA AAN MUUSE BIIXI SIIYAY INAAN WASIIR KU DOONTO”AQOONYAHAN JAMAAL CALI XUSEEN OO KA HADLAY WARAR LAYSLA DHEXMARAAYAY

0
26

Hargeysa(saxilnews.com)-aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa ka fal celiyay hadal haynta bulshada ee la xidhiidha inuu kamid noqon waayay golaha wasiirada ee xukumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi soo dhisay waxaanu sheegay Aqoonyahan Jamaal cali Xuseen in aanay marnaba qorshihiisa ku jirin inuu kamid noqdo Xukumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi islamrkaana aanu ula soo shaqaynin Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Xiligii doorashada iyo xiligii ka horeeyayba inuu Mansab siyaasi ku abaal mariyo.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo jawaab cad ka bixinayay hadal haynta Bulshada ee ah inuu Wasiir ka noqdo Xukumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aanu marnaba taas kula socon Madaxaweynaha uu sida xooga ah ula soo ololeeyay isaga oo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen sheegay dhaydana ka cadeeyay in uu wali halkiisii yahay hankiisii ahaa inuu dalka Madaxweyne ka noqdo hase yeeshee uu la sugayo xiligeeda ku haboon.

Sidoo kale Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Waxa uu hambalyo udiray guud ahaan Golaha Wasiirada ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Magacaabay isaga oo ilaahayna uga baryay inuu xilka ku asturo xukumada cusub xilka culus ee loo doortay.

Qoraal Kooban oo aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen uu soo dhigtay Bartiisa Facebooka oo aanu ka soo xiganay ayaa udhignayd sidan ee halkan hoose ka akhriso”

Kkkkk waar bal imtixaankan eegga, waar anigu dalka umaan iman inaan wasiir ka noqdo, manaan doonan xil, kii aan doontay iyo murashaxnimadiina wixii ka dhacay waad wada ogsoon tihiin. Marnaba taladda iigumay jirin inaan Taageerada aan Muuse u jeediyey aan Wasiir ku doonto. Waxaanan ku faraxsanahay in aniga iyo taageerayaashaydii aanu door weyn ka ciyaarnay guusha Madaxweynaha la doortay. Ilaahay baa marwalba ii suurtogeliya in aan dhinaca guusha la socdo, hadday tahay inay UCID xisbi u soo baxdo iyo in Kulmiye madaxweynaha ku guuleysto. Siyaasadda waan u da’ yarahay Mustaqbalka inshallah, imikana waaya aragnimo weyn Oo aan caalamka ka soo helay intii aan xoogayga ku shaqaysanaayey waxay ii saamaxday inaan ku darsado waaya aragnimo dalka gudahiisa ah. Waxaan hanbalyeeynayaa golaha wasiiradda cusub, Ilaahayna hawsha haw fududeeyo, madaxweynaha cusub aynu taageerno. Dadka waaweyna wakhtigooda ha ka fasiidaystaan oo yaan lagu mashquulin Hebel Wasiir Ma noqon iyo wuu noqday, dadka qaar Waxay rabaan inay dalka si kale wax Ugu taraan. Guul iyo goban

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here