“Aniga oo aabbahay aasayo ayaa geerida hooyadeyna la ii soo sheegay”

0
18
John iyo Merry 60 sana ka hor markii aqal galayeen

Hase yeeshee, waxaa dhacday arrin lama filaan ah oo hakad gelisay xafladdii sanadgurada 60-aad ee ka soo wareegtay xilliga ay lammaanahan isguursadeen.

Labadan lammaane ee isku cimreystay waxay ilaa iyo dhalinyaranimadoodii ku noolaayeen waqooyiga bari ee dalka Britain.

Labadi lamaanaba isla toddobaadkii xuskooda ay qabsan lahaayeen laba malmood gudahood ayey ku geeriyoodeen.

Elleyn iyo Walaasheed Gilleyn waxay ku howlanaayeen u dabbaaldegga sanad guurada 60-aad ee ka soo wareegtay guurka waalidkooda.

“Xuska inaan si heer sare ah ugu xusno inaan hool weyn kireysanno oo wiil dumaashigey ahna uu xafladdaasi ka heeso ayaan ku fakareynay” ayey tiri.

Bishii Apriil ee la soo dhaafay waxaa aabbahay la soo deristay caafimaad darro waxaana la dhigay isbitaalka Sunderland Royal Hospital.

Dhakhaatiirti isbitaalka maadaamaa ay maalintaasi aabbe wax calaamad gaar ah oo xanuun muujinayo ay ka arkin guriga ayey dib u soo celiyeen.

Balse laba maalmood kaddib markii uu xanuunsaday oo isbitaalki dib looga celiyey waxaa laga baaray Covid-19 waana laga helay.

“Aabbahayna wuxuu qabay cudurka macaanka socodkana wuu dhibayey wuxuuna marar badan sheegay tabardarro badan inuu dareemayo oo jirkiisa dhan uu daalayo” ayay tiri Elleyn.

“Labadeyda waalid waxaa garabkooda taagnaa ilmihii ay dhaleen oo ka kooban 7 carruur ah” ayey tiri Elleyni.

“Afar wiil iyo Seddex gabdhood ayuu qoyskayaga ka kooban yahay, aabbaheen wuxuu ka shaqeyn jiray shirkad isgaarsiin, hooyadeenna waxay ka shaqeyn jirtay nadaafadda, marki dambana waxay shaqo adegga cuntada ay ka heshay isbitaalka Sunderland Royal Hospital.”

Image Description: John iyo Merry carruurtooda Glens iyo Ellyn

Qoraalka sawirka,John iyo Merry carruurtooda Glens iyo Ellyn

John xaaladdiisa caafimaad maadaamaa ay ka sii dartay oo isbitaalka muddo lagu hayey wax isbeddel ah laguma arag. Toddoba maalmood kaddibna xanuunkii maadaamaa uu ku sii saa’iday waa uu geeriyooday.

“Waan aamini waayey, Isniinti iyo Khamiisti Ayaan aabbahay wada hadalnay, si caadi ah ayuu u sheekeynayey una qoslayey” ayey tiri gabadhiisa.

Waxayna intaa ku dartay geerida aabbahay dartii “Hooyadey iney aad u murugootay cunnadina ay ka go’day” ayey tiri.

Marka ay maalmo ka harsan yihiin aaska aabbaheed Elleyni si ay hooyadeed u soo booqato waxay aadi rabtay guriga walaasheed oo ay hooyadeed joogtay.

“Walaasheey ayaa I soo wacday waxayna ii sheegtay inaan degdeg u imaado. Waxayna ii sheegtay xaaladda hooyadey iney wanaagsaneen oo kulka jirkeeda uu sii kordhay. Qufac iyo astaamaha kale ee Coronavirus inkasta oo aan lagu arkin haddana naqaska ayaa ku adkaa.”

Hooyadey Merry isla-maalintaa galabteedii ayaa isbitaal la dhigay. Marki la baarayna waxaa laga helay Coronavirus. Maalmaha ay isbitaalka ku jirtay hooyadeey waxaan kula xiriiri jirnay muuqaal oo keli ah.

Elleyn si ay aaska aabbaheed uga qayb gasho waxay ku soo laabatay gurigeeda. Waxaana sagootinta naxashka aabbahey iney ka qayb galaan fursad u helay oo keli ah 7 qof.

Elleyn, Seygeeda, Walaasheed, adeerkeed iyo seddex qof kale ayaana aaska ka qayb galay.

“Dadki aaska ka qayb galay taleefannadooda wey wada xireen. Aaska kaddibna guriga markaan ku soo laabannay oo aan taleefannada furnay waxaan aragnay in marar badan nala soo wacay. Marki aan dib u wacnay lambarradii nalaga soo wacayna waxaan ogaannay in nalaga soo wacay isbitaalka ay hooyadey ku jirtay Sunderland Royal Hospital waxaana naloo sheegay hooyadey iney geeriyootay.”

“Dhammaantayn waxaan billownay inaan ooyno. Inkasta oo aan ogeyn iney hooyadeen da’deedu weyneyd caafimaadkeedana uu liitay haddana geerideeda aad ayaan uga naxnay. Waxaana aad nooga sii yaabiyey geerida hooyadey oo ku soo beegantay maalinti aabbahay la aasay.”

Maalmo kaddibna hooya ayaan aasnay, maadaamaa xayiraadihi Covid-19 ka dhashay xoogaa la khafiifiyey aaska hooyadey waxaa ka qayb galay 16 qof oo qoyskayaga ka mid ah.

Hadda qoyska oo ay dhex joogin aabba iyo hooya waxay qorsheynayaan iney dhigaan xuska ay ugu talagaleen sanadguurada 60-aad ee ka soo wareegtay xilliga ay aabba iyo hooyo isguursadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here