Amniga Guud Ee Dalka Kenya Oo La Adkeeyey + Sababta 

0
15

Nairobi (SaxilNews):- Waxaa aad loo adkeeyey Amniga guud ee dalka Kenya inta lagu gudojiro munaasabadaha Easterka iyadoo booliskana ay ka codsanayaan dadka inay taxadaraan oo wixii ay ka shakiyaana ay la soo socod siiyaan

 

Saxaafada dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in ay jirto cabsi xoogan oo laga qabo rag hore ay liiska argagaxisada ugu dartay dowlada Kenya kuwaas oo la sheegay in ay tababaro ku soo qaateen dalka Soomaaliya inay gudaha u soo galeen dalka Kenya ayna qorsheynayaan inay weeraro ka geystaan gudaha dalka Kenya.

 

Tirada raggann laga shakisan yahay ayaa lagu sheegay sagaal qof waxaana la soo bandhigay sawiradooda iyada oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka Alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here