AMISOM oo 11 qof ku dishay Shabeelaha Hoose + Dawladda Somaliya Oo Ka Hadashay

0
15

Muqdisho(Saxilnews)Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay ka dambeeyeen dad shacab ah oo lagu dilay deegaanka duleedyada magaalooyinka Marka iyo Qoryooley.

 

Waxaa uu sheegay in dhacdadii u horeysay habeen hore ay Ciidamada AMISOM qori baasuuke ah ku dhifteen gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayay duleedka Qoryooley, halkaasoo ay ku dhinteen 6 ruux.

“Ciidamada AMISOM iyo ciidamada deegaanka oo howl galo ka waday meel 7KM u jirta Qoryooley ayaa halkaas waxaa xilli saq dhexe ka dhacay in gaari dad shacab saaran yihiin ay baasuuke ku dhifteen, gaarigaas waxaa uu ka yimid meel ciidamada laga soo xabadeeyay, waxay isku dayeen inay gaariga joojiyaan, markii uu joogsan waayay ayay baasuke ku dhifteen”ayuu yiri Guddoomiyaha Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamada AMISOM ay gaari jiirsiiyeen qoys ka kooban shan ruux oo ahaa afar carruur ah iyo hooyadood, kaddib markii gaari ka mid ah ciidamada uu dhex galay buush ay degenaayeen qoyskaas duleedka magaalada Marka.

Waxaa uu sheegay ka hor inta uusan shilka dhicin kolonyada ciidamada AMISOM la socdeen qarax miino lagu weeraray, mid ka mid ah gawaaridiina ay wadada ka baxeen, sidaas ay ku galeen meel ay degenaayeen dad barakacayaal ah.

Guddoomiyaha Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa sheegay in dhacdadan ay u saareen Guddiga baaritaan ku sameeya.

AMISOM ayaa horay xagudubyo iyo xasuuq u geystay dadka shacabka ee aan waxba galabsan, iyadoo marar badan ay dad ku laayeen Gobolka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here