Alshabaab oo “weerar ku ekeeyay saldhigyo ku yaalla Shabeellaha Hoose

0
37
Al-shabaab

Al-Shabaab ayaa sheegtay in saakay waaberigii ay weerar ku ekeeyeen labo saldhig oo ciidamada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku leeyihiin magaalooyinka Bariirre iyo Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in markii Salaadda Subax laga baxay ay maqleen dhaqawa qaraxyo culus, kaddibna ay xigtay rasaas muddo socotay.

War ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo lagu daabacay bogagga Internet-ka ee iyaga taageera ayaa lagu sheegay in kooxdu ay cagta mariyeen labo saldhig oo ciidamada Soomaaliya ay ku leeyihiin Bariirre iyo Awdheegle. Waxaa kale oo ay sheegeen in halkaas ay ku dileen askar ka tirsan milatariga Soomaaliya oo aysan tiradooda sheegin, iyo inay sidoo kale furteen hub fara badan.

Ilaa iyo hadda ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada kooxda ee ah inay qabsadeen saldhigyadaas.

Weli wax war ah kama soo bixin milatariga Soomaaliya, xiriir aan la sameynayna nooma suurto gelin inaan war ka helno.

Weerarkan ayaa ka mid ah weerarradii ay Al-Shabaab ku qaadi jirtay saldhigyada ciidamada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Dhowrkii sano ee ugu dambeeyayna dagaallo ayaa ka dhacayay gobolka Shabeellaha Hoose

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here