Al shabaab Oo Soo Bandhigay Magacyada Iyo Qabiilada Raggii Isku Qarxiyay Saldhigyada Awdhiigle

0
18
Gobolada Dhexe Soomaliya  (Saxilnews.com)-

Muqdisho(Berberatoday.com)-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay magacyada iyo Qabiilada Raggii waday labadii gaari ee isku qarxiyay xerada Ciidmaada Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Warbaahinta ku hashada Afka  Al-Shabaab ayaa laga sii daayay wareysiyi laga qaaday labada Shaqsi ee is qarxisay intii ay noolaayeen, iyagoo ka sheekeynaya meelaha ay beegsanayaan iyo Ujeedka ay ka leeyihiin weeradda ay ku qaadayaan Ciidanka Xoogga dalka iyo AMISOM.

Maxamed Deeq Ibraahim Aadan oo kasoo jeeda beesha Dir Gaadsan wuxuu ku dhashay deegaanka quracle  ee gobolka Bakool sida lagu sheegay war lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka Al shabaab.

Ninka labaad ee is qarxiyay ayaa magaciisa lagu sheegay Manuur Ibraahim Xasan Gaaboow oo kasoo jeedo beesha Raxanweyn gaar ahaan Jilible waxa uuna isku qarxiyay Saldhiga ciidanka Milatariga Soomaaliya ee Degamadda Awdhiile ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Al shabaab ayaa sheegtay in ay qaraxyadaas ay khasaare ku gaarsiiyeen Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa Saldhiga Milatariga ee Awdhiige oo Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay dhawaan kala wareegtay Al shabaab.

 

 

 

Sources https://www.mustaqbalradio.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here