Al-shabaab Oo Ka Jawaabtay War Ka Soo Baxay Sirdoonka Itoobiya

0
23

Kooxda Al-shabaab  ee ka dagaalanka Dalka Soomaaliya ayaa beenisay in dagaalyahano ka mid ah lagu xidhay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Warbaahinta Itoobiya oo soo xiganaya Saraakiisha Sirdoonka ee Dalkaa ayaa Shalay sheegay inay qab-qabteen illaa 14 xubnood oo ka kala tirsan Al-shabaab iyo Kooxda Daacish, kuwaasi oo ay sheegeen inay qorshaynayeen weerarro Argagixiso oo ay ka geystaan Addis Ababa iyo Meelo kale oo Itoobiya ka mid ah.

Laakiin, Cabdicasiis Abu Muscab oo ah Afhayeenka Al-shabaab ee hawl-gallada ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin sheegashada Dawladda Itoobiya, sidoo kalena ay sheegashada ah inay qabatay xubno Al-shabaab ka mid ah uga dan leedahay inay indhaha Caalamka ka jeediso dagaalka ka socda Gobolka Tigreega ee Waqooyiga dalka Itoobiya

“Hadalka Itoobita ee ku saabsan inay qabteen xubno ka tirsan Al-shabaab, waa arrin aan sal iyo raad lahayn, waa sheegasho siyaasadaysan oo uu Abiy Axmad ku doonayo inuu indhaha caalamka kaga leexiyo dhibaatada iyo colaadda ka taagan gudaha Itoobiya” ayuu  yiri Cabdi Casiis Abu Muscab, afhayeenkii howlgallada Al-Shabaab, waxaanu intaa ku daray oo kooxdiisa Al-shabaab ka fogeeyay inay ku lug leedahay qalalaasaha ka taagan Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here