Markabkan oo ahaa mid xamuul isla markaana alaabooyin samafal ah u siday hay’adda UNDP ayaa waxa la sheegay in madaxda hawlaha Maraakiibtu baadhitaan kadib ay ogaadeen in markabkaasi saliidaasi madow kusii daayay badda oo wasakheeyey,waxaana ay xabsiga dhigeen kabkankii waday markabkaasi.
Madaxda hawlaha maraakiibta ayaa intaasi ka dib amar ku bixiyay in markabkan laga rogo alaabooyinka saaran,waxaana intaasi kadib ay Kabtankii Markabka waday ku rideen xukun ganaac culus ah oo ah mid hantiyeed,iyaga oo sidoo kalena amar ku siiyay in aan dekeda Berbera dib loogu arkin Markabkani.
Intaasi kadib markabkii markii laga rogay xamuulkii saarnaa ayaa waxa loo jiiday dhankaa iyo dekeda dalka Jabuuti.
Dhawaan uunbay ahayd kadib markii hal mar uun la arkay Saliid madow oo dul heehaabaysa badda gaar ahaana xeebta Batalaale,waxaana saliidaasi ay noqotay mid ku dhagaysay jidhka dadka usoo dabaal tagay,iyaga oo ay jahawareer ka qaadeen dadwaynihii ku dabaalanayay badda magaalada Berbera.