Akhriso:– Qoyska Wariye Coldoon Oo Si Adag Uga Hadley Xukunkii Ay Maxkamaddu Ku Riday

0
16

Hargeysa (Saxilnews) Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa laba sanno oo xabsi ah ku xukuntay Cabdimaalik Muuse Coldoon oo muddo laba bilood ah ku xidhnaa magaalada Hargeysa.

Xukunka maxkamaddu waxay u cuskatay eedo loo soo jeediyay Cabdimaalik oo ay ka mid ahayd faafin warar been abuur ah.

Xeer ilaalinta oo eedda soo oogtay iyo garyaqaannada u doodaya ayaa sheegay inay rafcaan ka qaadanayaan xukunka maxkamaddu ridday.

Cabdimaalik oo ka mid ahaa saxafiyiinta ka hawlgala magaalada Burco ayaa la xidhay ka dib markii uu ka soo laabtay magaalada Muqdisho.ee xarunta dalka Soomaaliya

Cabdimalik ayaa caan ku ahaa u gar-gaarida dadka masaakiinta iyo kuwa dulman oo uu soo bandhihi jiray daruujahooda nololeed.

Waxaanay dadka yaqaana ayaa ku sifeeyey inuu yahay saxafi cod u ah kuwa aan codka laheyn.

Xadhigiisa ayaa loo aaneeyey inuu salka ku hayo kadib marki uu tagay magaalada Muqdisho isla markaana uu usoo hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo..

Qoyska Coldoon ayaa waxaa ay sheegeen in ay racfaan ka qaadan doonaan go’aanka maxkamadda.

Mubaarak Muuse Coldoon waa nin ay walaalo yihiin Cabdimaalik Muuse Coldoon, Wuxuuna aragtidooda ku saabsan xukunkaas uga warramay weriyaha BBC-da Bashiir Maxamed Caato.

“Marnaba ismaan odhan Cabdimalik ayaa lagu xukumaya laba sanadood oo maskaxdeydana kumey soo dhicin, waxaanan islahaa laba bilood ayay xukumayaan qodobadayadii oo dhan waala jabiyay waxaananau u aragnaa in go’aan hore loo gaadhay ay tahay, nimankii u doodaayayna waxaa ay cadeeyeen inaanu ninkani wax danbi ah aanu laheyn, anagu hadii aanu nahay qoyska Coldoon ma aaminsanin inuu ninkani danbiile yahay, waanu tashaneynaa oo reero ayaanu noqoney awal waanu yar diidaneyn, wixii aanu isla garanana go’aankeeda uunbaanui ku dhaqaaqaynaa”

 

Sawirka:- Xadhiga Iyo Xukunka Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon

Xigasho:-Hangoolnews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here