Akhriso :- Nooca Uu Yahay Mooshin Saaka La Hor Keenay Baarlamaanka Somaliya

0
25

Moqdisho (Saxilnews):- Baarlamaanka Somaliya ayaa waxaa maanta ay Guddiga Difaaca ee Baarlamaankuhor keenen mooshin looga horjeedo dhismaha Ciidamada ee loo dhisayo qaab goboleedyada

Image result for baarlamaanka soomaaliya 2017

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ah Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka ayaa sheegay in dhismaha ciidamada aanay aheyn isku dhafkii la rabay, ayna u muuqdaan mid muujineysa qaab lagu dhisayo ciidamo goboleedyo.

 

Waxaa uu sheegay in ujeedada mooshinka uu yahay inay ka soo hor-jeestaan wax alla wixii ka hor-imaanaya awooda ciidamada xoogga dalka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga.

“Ujeedada mooshinka waxa weeye, in wax kasta oo wiiqaya awooda ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed, wasaaradda gaashaandhigga iyo midnimada qaran inaan diidno, Xoogga dalka ma galo Federaal, waa afarta hey’adood ee aan Federaalka aheyn”ayuu yidhi Xuseen Carab Ciise.

Waxaa uu dhaliilay war murtiyeedkii ka soo baxay todobaadkii hore shirkii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee in la dhiso 18-kun oo askari, oo min 3,000 askari looga keenayo maamul goboleedyada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in arrintan ay tahay mid ka hor imaaneysa jiritaanka ciidamada xoogga dalka oo leh hal talis, sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here