Hargeysa (Saxilnews) Fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Axmed Cabdikariim Maxamed (Axmed Biif) ayaa waxa uu sheegay in uu guud ahaanba ka baxay farahana ka qaaday Fanka isla markaana uu Alle u toobad keenay isagoo ummadda islaamka ka codsaday inay usoo duceeyaan. Waxaana uu sheegay in uu noqon doono Sheekh diinta Alle ka shaqeeya.
Fanaanka ayaa waxa uu sidaasi u sheegay isagoo ku sugan masaajidka barakeysan ee Xaramka Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Barbaraawi.