Akhri-Maalmaha Kooban Ee Ka Hadhay Maalinta Loo Asteeyey Qabsoomida Doorashada+Qabyada Muuqata,Abaarta Mowqika Xisbiyada Iyo Mudo Kordhin…

0
25
????????????????????????????????????

Hargeysa(Saxilnews)95 Maalmood ayaa inaga xiga 28 March 2017 oo ah maalinta la qoondeeyay inay shacabka reer Somaliland u dareeraan doorashada madaxweynaha Somaliland hoggaamin doona shanta sannadood ee soo socda.

Hase yeeshee, mudada 95-ka maalmood ah oo ay ku jiraan 14 Jimce, ayaa ah wakhti gaaban marka loo eego qabyada muuqata ee diyaar garowga doorashada.

Guddiga doorashada

Guddiga doorashooyinka ayaa taagan oo ku adkaysanaya inay dhinacooda farsamo ahaan diyaar u tahay inay doorashada ku qabtaan 28 March, iyagoo ku doodaya inaanay jiri wax qabyo ka ahi. Laakiin dadka siyaasadda lafo-gura ayaa aaminsan in hadalka guddiga doorashooyinku yahay mid ay isku difaacayaan balse ay qabyo ka yihiin hawlo badan oo sabab u noqon kara dib u dhac ku yimaada doorashadaas. Inkastoo ay guddiga doorashooyinku qabteen hawl adag oo ah diiwaangelinta shacabka Somaliland ee codaynaya doorashadan soo socota, haddana waxaanay weli bilaabin qaybintii kaadhadhka oo la aaminsanyahay inay qaadanayso wakhti ka badan kara wakhtiga ay iyagu qorshaysteen, inkastoo ay ku dhex jiraan marxaladii daabicista.

Sidoo kale lacag lagu qiyaasayo afar milyan oo dollar oo ah kharashkii doorahada, ayaan iyana weli gacanta lagu haynin. 75% ka mid ah lacagta doorashooyinka waxa Somaliland ka caawiya dalalka deeq bixiyayaasha, halka 25% soo hadhayna la filayo inay xukuumadu bixiso, laakiin isbedelo aan weli la kala cadayn ayaa ku yimid qaybtii laga filayay qaadhaan bixiyayaasha. Dalalkani waxay ay ku doodayaan inaanay jirin lacag dhinacooda ku hadhay. Si kastaba ha ahaate lacagtaas dhan ama ku dhow afarta milyan ee dollar ayaa iyana ah caqabad doorashada hortaagan.

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa dhawaan sheegay in culays xukuumadda fuulay, balse ay xukuumadu diyaar u tahay inay ka soo baxdo waajibaadkeeda oo ay doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto.

Souce Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here