Ajnebi lagu dilay weerar ka dhacay Libya

0
24

(SN)

Badlay hubaysan ayaa weerar ku qaadday hotel ku yaalla casimadda Libya ee Tripoli, iyagoo dilay sagaal qof oo ay ku jiraan shan ajnabi ah, sidaas waxaa sheegay mas’uuliyiin dhanka ammaanka ah.

Dhowr dabley ah ayaa gudaha u galay Corinthia Hotel waxayna rasaas ku fureen qaybta soo dhoweynta.

Waxaa sidoo kale meel u dhaw lagu qarxiyay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Saraakiishu waxay sheegeen in dadka dhintay ay ku jiraan qof Maraykan ah iyo muwaadin Faransiis ah.

Xafiiska arrimaha dibadda ee Maraykanka wuxuu xaqiijiyey geerida muwaadinka Maraykanka ah, balse lama bixin sharraxaad dheeri ah.

Qofka Maraykanka ah ee dhintay ayaa la rumaysan yahay inuu ahaa qandaraasle ka shaqeeya arrimaha amniga.

Muwaadinka Faransiiska ah waxaa la sheegay inuu u shaqaynayey shirkadda dayaaradaha ee Buraq Air.

berbera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here