Agaasimaha VOA-da Oo Hargaysa Ku Sugan Iyo Xukuumadda Oo Dib-U-Sii daysay Dhegaysiga Fm-tii Idaacadda

0
26

Hargaysa (Saxilnews)- Madaxa Laanta Af-Somaliga ku hadasha ee VOA-da,ayaa waxa uu si dhuumasho ah kusoo galay Magaaladda Hargaysa,ka dib markii ay Xukuumaddu damisay FM-tii u Taallay Somaliland,waxaana la sheegayaa inuu Dalka kasoo galay dhinaca Dalka Jabuuti oo uu Todobaadkii hore ku bixayay tababar la siinayay Wariyayaal laga qoray Goboladda Somaliland ee Cidhifyadda sida;Sool  iyo Awdal. Warku waxa uu intaas ku darayaa in Cabdiraxmaan Yabaraw ay imaanshihiisa sabab u ahayd talaabadda ay Xukuumadda ka qaaday FM-tii Magaaladda Hargaysa u taallay,taas oo si aan dhex-dhaxaad-nimo ahayn billihii u danbeeyay baahinaysay Warar ka dhan ah Qaranimadda Somaliland,taasina ay keentay inay qeybaha Bulshadda si weyn u nacaan dhegaysigeedda. Ilaa hadda ma jiro wax war oo kasoo baxay Imaanshiyaha Masuulkan ee Somaliland,lamana oga noocan wada hadal ee dhex-maray Xukuumadda,gaar ahaana Wasaaradda Warfaafinta,iyada oo ay dib-u-hawlgashay Fm-tii VOA-da ee Magaaladda Hargaysa.

 

 

 

 

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here