AGAASIMAHA MAAMULKA GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA EE ARRIMAHA GUDAHA OO LAGA HORJOOGSADAY IN UU LA WAREEGO XILKA + CIDA HOR ISTAAGTAY

0
18

Xaflad uu xilka kula wareegi lahaa Mukhtaar Maxamed Cali  Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo uu dhawaan madaxweyne muuse Biixi Cabdi Xilkaasi u soo magacaabay ayaa baaqatay.

Sababta ay u baaqatay xafladaasi ayaa lagu sheegay in uu ka danbeeyay ka dib markii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed uu u sheegay Agaasimaha guud in xilka uu la wareegayaa aanu ahayn kan Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka, hasayeeshee uu ahaa amniga.

Mukhtaar Maxamed Cali ayaa iska diiday in uu xilkaasi la wareego, waxaanu sheegay wasiirka in xilka loo soo magacaabay uu yahay ka Agaasimaha guud
ee Maamulka gobolada iyo degmooyinka.

Warkan oo aanu ka helnay ilo wareedyo u dhuun daloola xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa intaasi ku daraya in Mukhtaar Maxamed Cali uu dib uga noqday wasaarada arrimaha gudaha oo ay saaka u qorshaysnayd in uu xilka agaasimaha guud kala wareego agaasimihii hore isla markaana uu u baadi doon Tagay bal  waxa ka khaldan Digreetada lagu soo magacaabay ee uu sitay.

Mukhtaar maxamed cali ayaa hore looga soo bedelay Wasaaradda Hawlaha guud, waxaana loo magacaabay Agaasimaha guud ee Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee wasaarada arrimaha gudaha, halka Cabdi Guray oo isna laga soo bedelay Wasaaradda xanaanada Xoolaha loo Soo Magacaabay Agaasimaha Amniga ee wasaarada arrimaha gudaha.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay warbaahintu u holatay in ay wax ka waydiiso wax ka khaldan Aggaasimaha guud ee Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo, waxaanu sheegay in aanu arrintaasi iminka diyaar u ahayn in uu ka hadlo. 

 

Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here