Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL ayaa saaka tobabar u furay kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha

0
39

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL ayaa saaka tobabar u furay kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha. Sabti, 22-10-2022

Waxa saaka ka qabsoomay hoolka shirarka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, tabobar ku saabsan qaabka loo qoro warqadaha ka baxaya Wasaaradda (Correspondence letters Writing) kaas oo socondoona muddo shan maalmood ah.

Agaasimaha Guud ee WAD&IC ee JSL Mudane Siciid Axmed Cabdikariin ayaa si rasmi ah u furay tabobarka, isaga oo kula dardaarmay shaqaalaha inay ka faa’iideystaan tabobarka sidoo kalena ay ilaaliyaan wakhtiga tabobarka isla markaana tabobarku marka uu dhamaado uu isbedel ka muuqdo hab-qoraalkooda & guud ahaan shaqadoodaba.

Tabobarkaas oo ay soo qaban-qaabisay waaxda cududda shaqaalaha ee WAD&IC, isla markaasna si wadajir ah u bixinayeen khubaro ka tirsan Wasaaradda kuwaas oo kala ah Pro Dr Maxamed Osman Guudle oo ah la-taliyaha arrimaha siyaasadda ee Wasiirka WAD&IC iyo Pro C/risaaq Ahmed Karani oo ka mid ah diblomaasiyiinta sare ee WAD&IC ee JSL.

Allaa Mahad leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here