Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland Oo Kullan La Qaatay Maamulka Gobolka Sanaag Gaadiidna Ku Wareejiyey Madaxtooyada Ceerigaabo
-Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Maxamed Cali Bile iyo wafti balaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa gaadhay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag halkaasi oo lagu soo dhaweeyey, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada ayaa shir la yeeshay Maamulka Gobolka Sanaag ka Degmada Ceerigaabo, Isuduwayaasha Laamaha Dawladda ee Gobolka Taliyayaasha Ciidamada kala duwan waxaana kulankaasi laysaga xogwaraystay xaalada guud ee Gobolka.
Agaasimaha oo warbaahinta la hadlay markii uu shrikaasi soo dhamaaday ayaa shegay inay Gobolka u yimaadeen Xilwareejinta Maamulaha guud ee Madaxtooyada Togdheer iyo Sanaag sidoo kalena ay Badhasaabka iyo Maayirka ka wada hadleen sidii loo dhamaystiri lahaa Waddooyinka Madaxtooyada iyo Madaarka Ceerigaabo, ugu danbayntiina wuxuu Agaasimuhu Gaadhi ku wareejiyey Maamulaha Madaxtooyada Ceerigaabo.
Agaasimaha ee Madaxtooyada Somaliland oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaan soo gaadhnay Gobolkii Sanaag Saddex qodob baanu u soconay oo safarkayagu ahaa mudane, Cismaan oo hadda loo soo magacaabay maamulaha guud ee guryaha madaxtooyada ee Gobolada Sanaag iyo Togdheer, qodobka labaadna wuxuu ahaa maadaama guriga Madaxtooyadu magaalada ka baxsan yahay shaqadiisu balaadhatay inaan gaadhigan idin ku wareejiyo oo uu masuul ka noqon doono maamulaha madaxtooyada Ceerigaabo, waxaa kale oo aan umi Maayirka iyo Badhasaabkaba hore uga wada hadalnay waddadaa Madaxtooyada gash iyo waddada Madaarka gasha sidii aynu hagaajin lahayn ee aynu uga dhigi lahyn waddooyin raandhiis leh”.
Wa-bilaahi Tawfiiq