Afqaanistaan: Maxaa kala haysta Taalibaan iyo iskullada qarsoodiga ah ee gabdhaha?

0
16

Iyadoo ciidamada Mareykanka iyo kuwa NATO ay isaga baxayaan dalka Afghanistan, BBC-da ayaa la hadashay saddex haween ah oo da’doodu ay kala duwan tahay, iyadoo weydiisay cabsida ay ka qabaan mustaqbalkooda. Macallimad khibrad leh, gabar ka qalin jebisay jaamacad iyo ardayad haatan iskuul dhigata, ayaa dhammaantood qeexaya mustaqbalka sida uu noqon doono iyo cabsida ay qabaan.

Tani ma ahan markii ugu horreysay ee Shahla Fareed ay billowday inay qariso buugaagta. Mana aha markii ugu horreysay ee ay bilowdo qorsheynta iskuul qarsoodi ah.

Shahla iyo haween kale oo badan oo ku nool Afghanistan ayaa khatar u bareeraya, iyaga oo mar kale waxbarashada u fududeynaya gabdhahooda.

Macallimadda

Shahla macallimad iskuul ayay ahaan jirtay, haatanna waxay bare ka tahay Jaamacadda Kabul ee caasimadda dalkaas.

Inta lagu guda jiro bandowga Korona awgii waxay sii wadday inay bixiso casharro, balse waxay sheegtay in qaar badan oo ardaydeeda ka mid ah ay dhibaato ku qabaan inay barta internet-ka wax ka bartaan.

“Inta badan ardaydeyda gabdhaha ah ma heystaan telefoonnada casriga ah, waaliddiintoodana uma oggola inay isticmaalaan internet-ka.

“Kuwa isticmaala telefoonka wiilasha ay walaalaha yihiin ayaa inta badan ilaalo laga hayaa marka uu casharku socdo si loo ogaado cidda ay la hadlayaan.”

Balse keliya ma aha in arrintan ay haweenka dib u dhigeyso.

Dagaalka Afgaanistaan ka socda ee u dhaxeeya dowladda iyo xoogagga Taliban, ayaa haatan maraya meel xasaasi ah.

Iyadoo ay socoto ka bixitaanka ciidamada Mareykanka uu horkacayo, ayaa qaar badan waxay ka baqayaan soo rogaal celinta kooxda Taliban. Kooxda ayaa bilihii la soo dhaafay qabsatay deegaannada qaar.

Taliban oo lagu yaqaanno inay soo rogaan shuruuc aad u adag, ayaa waxay hore u mamnuuceen dhammaan waxbarashada gabdhaha, iyo sidoo kale in haweenku ay shaqeeyaan amaba ay guryahooda ka baxaan iyadoo uusan la socon nin muxrim u ah.

Kooxda ayaa markii dambe sheegtay inaysan ka soo horjeedin waxbarashada gabdhaha. Isagoo la hadlayay BBC-da, ayaa Zabihullah Mujahid oo ah afhayeenka kooxda Taliban wuxuu yiri:

“Ragga iyo haweenkuba waa inay helaan waxbarasho waana mid aad muhiim u ah. Balse waa in meel gaar ah oo ammaan ah loo helaa haweenka, isla markaana loo qorsheeyaa macallimiin haween ah.”

Si kastaba, haween badan oo u dooda xuquuqda haweenka oo ay ku jirto Shahla, ayaa qaba inay jirto cabsi weyn, waxbarashada haweenka ayaa mar kale la diidi karaa.

Artistic image of chasing dreams and ambitions

Macallimad Shahla oo haatan ku jirta da’da 60-meeyada, ayaa ka warrameysa sida ay u furtay iskuulka qarsoodiga ah ee gabdhaha sanadihii 1970-meeyadii, markaas oo Taliban ay gacanta ku hayeen dhammaan qeybaha dalkaas.

Inta badan ardaydeeda oo ay da’doodu u dhaxeysay sagaal ilaa iyo 10 ayaa tegi jiray iskuulka iyaga oo xiran xijaabka gembiska ah ee buluugga ah. Waxa mar walba u sheegi jirtay inay buugaagtooda Ingiriiska ku dhex qariyaan kuwa Islaamiga ah sida aan loogu qaban.

Iyadoo fadhisa dhabarka dambe ee beerteeda, geed harkiisa iyo teendho yar oo maro ka sameysan, ayay Shahla ka maamuli jirtay fasalka iyadoo adeegsaneysa sabuurad yar.

“Waxaan iskuulka ku bilaabay 20 gabdho balse keliya afar ayaa dhammeysatay. Labo ka mid ah gabdhahayga ayay ahaayeen” ayay tiri Shahla, oo qeexeysa sida ay u adkeyd in ardaydeeda lagu dhiirri geliyo inay sii wataan waxbarashada.

Waxay sheegtay in Taliban ay si joogto ah u baari jireen guriga iyaga oo baadi goobaya caddeymaha iskuulka, balse mar keliya ayay u suurto gashay inay xiraan. “Muddo gaaban,” ayay tiri.

Iyadoo haatan laga joogo 50 sano, ayaa Shahla waxay sheegtay inay ka murugeysan tahay in laga rabo inay mar kale soo uruuriso buugaagta lacalla haddii uu dib u howlgalo iskuulkeedii qarsoodiga ahaa.

Ardayadda

Wahida oo 16 jir ah waxay ku nooshahay meel toddobo saacadood oo safar gaari ah koofur kaga beegan guriga Shahla.

Toddobaad walba Wahida waxay u lugeysaa iskuulka iyada oo uu la socdo walaalkeed ka weyn. Balse rajadeeda ah inay iskuulka aaddo waxay kala dhantaashay qoyskeeda.

Aabbaheed iyo awowgeed ayaa gebi ahaanba joojiyay inay la hadlaan.

“Waxay yiraahdeen waa inaan iskuulka iska daayaa oo aan guursadaa,”ayay tiri.

Artistic image of pursuing an education

Wahida waxay walaalkeed kula nooahsahay gobolka Kandahar, oo ah xuddunta Taliban iyo meelaha ay ku yaallaan inta badan degmooyinka ay gacanta ku hayaan kooxda.

Dhammaan 17-ka degmo ee gobolka, keliya saddex iskuul oo gabdhaha ah ayaa ku yaalla.

BBC-da ayaa weydiisay sababta aysan degmooyin badan uga jirin waxbarashada gabdhaha, isagoo u hadlaya kooxda Taliban, ayaa Zabihullah Mujahid wuxuu yiri:

“Gobollada Kandahar iyo Helmand maaddaama uu xooggan yahay dagaalka ka socda, iskuullada waa la xiray. Sidoo kale iskuullada ragga sidoo kale way yar yihiin.

“Sidoo kale fekerka dadka gobolladan, xag dhaqan marka la eego dad yar ayaa oggol inay gabdhahooda iskuulka u diraan. Waqti yar ayay u baahan tahay, balse dhankeenna wax dhibaato ah kama jirto.”

Marka loo eego Wahida, waxay sheegtay in taageerada ay walaalkeed ka weyn iyo hooyadeed ka heshay ay u suurto gelisay inay waxbarashada sii wadato.

Hooyadeed, oo aan weligeed loo oggolaan inay iskuul aado, ayaa gabadheeda u sheegtay inay sii wado u dagaallanka xuquuqda haweenka inkastoo uu sii xoogeysanayo dagaalka.

“Waxaan rajeynayaa inaan rumeeyo riyada hooyadey. Balse xaaladda haatan lagu jiro, waxaan ka walaacsanahay inaan dhammeysan waayo iskuulka, iskaba daa jaamacad’e oo aan kuwa kalena u doodo.”

Balse Wahida rajo ayay qabtaa, sababo la xiriira sheekooyinka sida Shamsia Alizada.

Haweeneyda ka qalin jebisay jaamacadda

Waxaa jira haween da’ yar, oo iyadoo ay jirto kala qeybsanaanta dhanka fursadaha internet-ka, dagaalka socda, sinnaan la’aanta jinsiga iyo Covid-19, haddana weli isku dayaya inay tusaale u noqdaan gabdhaha.

Sanadkii la soo dhaafay Shamsia ayaa ka guuleysatay in ka badan 170,000 oo qof oo galay imtixaanka lagu galayo jamacadda Afqaanistaan.

Iyadoo ah gabar uu dhalay nin macdanta qoda, waxay ku soo barbaartay mid ka mid ah deegaannada ugu khatarta badan Kabul.

Sanadkii 2018, iskuulkeeda waxaa soo weeraray ururka isku magacaabay Dowladda Islaamka, oo loo yaqaanno ISIS. In ka badan 46 ka mid ah ardaydii ay wax isla baran jireen ayaa la dilay.

Sanadkii 2020, kaddib markii ay u wareegtay deegaan kale, iskuulkeeda cusub ayaa waxaa sidoo kale weerartay ISIS.

Artistic image of the attack upon the Kabul university

” In wax lagu barto Afghanistan way adag tahay waxaana qabaa cabsi badan. Balse xarunteenna waxbarashada waxay qaadday tallaabooyin ammaan taas oo iga caawisay inaan dareemo ammaan.

“Marka aad si aad ah aad ugu mashquulsan tahay waxbarashadana, ma jiro waqti badan oo aad uga fekerto ammaanka,” ayay tiri Shamsia.

Kaddib markii ay ku guuleysatay abaal-marin waxbarasho oo Turkiga ah, Shamsia waxay haatan ku jirtaa tababar ay dhaqtarad ku noqoto.

ISIS – khatar cusub

Bishii November ee sanadkii hore, Shahla waxay wax ka dhigeysay Jaamacadda Kabul markii dhowr nin oo hubeysan ay galeen jaamacadda ayna xabbado ku fureen fasalkii ku dhegganaa kii ay ku jirtay.

“Waxaan ku sugnaa meel buug lagu soo bandhigayay markii aan si kedis ah u maqlay dhawaqa rasaas xiriir ah. Ardayda ayaa meel walba u cararaysay qaarkood way oynayeen halka kuwo kalena ay telefoon ku hadlayeen ayna u ordayeen dhanka albaabka weyn,” ayay tiri Shahla.

Iyadoo ciidamada ammaanka ay gaareen jaamacadda, dagaal ayaa ka dhex qarxay labada dhinac.

Ilaa 22 qof ayaa dhintay halka 22 kalena ay dhaawacmeen.

“Inta badan dhibbanayaashu waxay ahaayeen gabdho,” ayay tiri Shahla. “Xitaa booliiska ma aysan dooneyn inay haweenka dhaawaca ah ka caawiyaan inay ka baxsadaan goobta sababtoo ah waxay aaminsan yihiin in taabashada haweenka ay xaaraan tahay [waa ka mamnuuc shareecada Islaamka].”

“Balse goor dambe markii ciidamada gaarka ah ay yimaadeen, way qaadeen gabdhaha.”

ISIS ayaa goor dambe sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyagoo sheegay inay bartilmaameedsadeen “qalin jebinta qareenno iyo baarayaal u shaqeeya dowladda Afghanistan.”

ISIS-K, waa laan ka mid kooxda jihaad doonka ah, waxaa Afghanistan laga aasaasay sanadkii 2014.

Tan iyo wixii intaas ka dambeeyay, waxay sheegatay mas’uuliyadda qaar ka mid ah weerarradii dhiigga ugu badan uu ku daatay ee ka dhacay caasimadda ayna ku jiraan kuwii lagu qaaday xarumaha waxbarashada iyo iskuullada.

Haweenka iyo carruurta, oo ay ku jiraan dhallaan markaa dhashay, ayaa lagu bartilmaameedsaday mid ka mid ah weerarraddii ugu ba’naa ee ay sanakdii hore geysteen ISIS. Weerar lagu qaaday qeybta dhalmada ee isbitaal ayaa waxaa ku dhintay 16 qof iyadoo 16 kalena ay ku dhaawacmeen.

Artistic image of the struggle for female education in Afghanistan

Macallimad Shahla, oo dhiirran, ayaa go’aankeeda ay kale ku so uruurineyso buugaagta waxay sabab uga dhigtay dagaalka sii xoogeysanaya iyo is ballaarinta Taliban.

“Waa inaan hubiyaa inaan helo lacag igu filan oo aan ku helo teendho, buugaag, xusuus-qoraallo iyo qalimaan. Sababtoo ah waan ogahay in Taliban aysan u oggolaan doonin gabdhaha inay iskuulka wax ku bartaan. Xitaa haatan markii ay la wareegaan degmo, waxa ugu horreeya ee ay sameeyaan waa inay xiraan iskuullada gabdhaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here