Afhayeen Xuseen Aadan Cige ayaa mudadii uu xilkaasi hayay waxa meesha ka baxay wada shaqayntii iyo xidhiidhkii qotada dheeraa ee u dhaxeeyey Warbaahinta Madaxa Banaan iyo xafiiska Afhayeen ee Madaxtooyada.
Waxaanay xidhiidhka xumaadey ee Warbaahinta iyo xafiiska uu masuulka ka yahay ay keentey in gabi ahaanba warbaahinta madaxa banaan ay Habeenkii xalay ahaa joojisey sii daynta warkii soo laabashada Madaxwanaha Somaliland oo si diiran shacabkiisu ay ugu soo dhaweeyeen Caasimada Hargeysa ka dib markii uu ka soo laabtey Safarkii Gobolada Saaxil iyo Togdheer.
Wada shaqayn la’aanta warbaahinta Madaxa banaan iyo xafiiska afhayeenka ayaa sida warbaahinta madaxa banaan intooda ugu badani ay qabaan waxa meesha ka saaray caqabadna ku noqday Xuseen Aadan Cige Dayr oo aan aqoon fiican u lahayn arimaha warbaahinta isaga oo xiliyada wararku ka jiraan xarunta madaxtooyada aan si xushmad lahayn u qaabila Warfidiyeenada goobtaasi u taga soo tabinta Wararka Qaranka.
Go’aanka warbaahinta Madaxa banaan ay ku joojisay wararkii soo laabashada madaxwaynaha ayaa waxa ay saamayn ku yeelan doontaa ninka haatan ah afhayeenka oo ah masuulka ugu sareeya xafiiska warbaahinta madaxtooyada Somaliland.
Dhowr jeer oo hore oo madaxda warbaahinta iyo wariyayaashu la kulmeen wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa ay ka gudbiyeen Xuseen Aadan Cige dacwad ka dhan ah isaga iyaga oo ku doodey in aanu ula shaqayn sidii ay uga barteen madaxdii uga horeysay xafiiska uu masuulka ka yahay.
Madaxtooyada ayaa la filayaa in talaabo deg deg ah ay ka qaado afhayeenka maadaama aney bixin wararkii shalay ee Madaxwaynaha sida diiran loogu soo dhaweeyey Caasimada Somaliland iyada o lacago aad u badan ku fan garaysa xafiiskan si wararka Madaxwaynaha iyo qaranka loo gaadhsiiyo shicibka iyo beesha caalamka balse uu afhayeenka Xuseen Dayr haatan Caqabad ku noqdey