Shukria Barakzai maalintii 15 Ogost waxay u ahayd sida iska maalin Axad ah oo kale. Waa Saxafiyad iyo siyaasi caan ah oo hore u noqotay xildhibaan iyo safiir dalkeeda u fadhiya Norway oo markeeda hore ba waxay ahayd qof safar badan.
Waxay alaab ku guratay shandad maadaama oo ay marka doonaysay in isla maalintaa safar gaaban ku tagto dalka Turkiga.
“Run ahaantii wax walba waxay u socdeen sidii loogu talagalay sida maalin kasta oo caadi ii ah.”
Daaqadda baabuurkeeda ayay aragtay safaf dhaadheer oo loogu jiro bankiyada iyo gaadiid badan oo saxmad ka dhigay wada tagta gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul ee Hamid Karzai ee caasimadda Afgaanistaan.
Laakiin markay soo degtay ee ay saf u gashay baadhitaanka Covid-19 PCR ayay ogaatay in wax khaldan yihiin.
“Waxaan arkay dhammaan saaxiibbadaydii hore xubnaha Baarlamaanka, guddoomiyayaasha gobollada, wasiirro oo safka ku jira. Waxaan is idhi ‘Alla! Oo maanta ma mar baanu wada dhoofaynaa? “
Markaasay maqashay warkii oo ah in Daalibaanku soo galayaan magaalada oo Kabul la qabsaday.
Si kedis ah ayaa qof walba ku doonay inuu diyaaradihii taagnaa u raago.
Duulimaadkii ay Barakzai ku tagi lahayd ayaa ba la baajiyey.
Rakaab hubaysan
Waxay si dhakhso ah u heshay duulimaad kale waxaanay isku daydya inay iibsato tigidh, laakiin shirkaddu way diiday kaarkeedii. Lacag naqad ah oo kaliya ayay qaadanaysay. Boqol doola oo keliyay ayay sidatay wax lacag ah. Waxay se ka heshay saaxiibadeedii badnaa lacag ahaam ah oo markaasay tigidh iyada iyo saygeeda ujartay.
Isla markiiba diyaaraddii bay fuuleen. Waxay moodaysay in ay sidaa ku nabad galeen,
Kuraastii iyaga oo fadhiya iyaga iyo rakaab kale ayaa dad badan oo ka yimid madaarka ay xoog ku galeen diyaaradda.
Kabtankii diyaaradda ayaa la hadlay rakaabkii oo yidhi maadaama oo dadkaa qaarkood hubsitaan in aan diyaaraddu kici karayn.
Ugu dambeyntii markii dadkii diideen inay ka soo degaan diyaaradda ayaa duuliyuhu damiyay nalalkii iyo qaboojiyihii diyaaradda oo uu iskaga degay.
“Waa markaas markii dhiilladu noo bilaabantay” ayey tidhi.
Waqtigaas dagaalyahannada Daalibaan ayaa magaalada dhex mushaaxayay sidaa darteed Barakzai iyo seygeeda ayaa go’aansaday inay habeenkaas u hoydaan diyaaradda sida rakaabkii kale.
“Mid ka mid ah saaxiibbaday ayaa ii soo diray sawir oo igu yidhi, Shukria Daalibaan waxay joogaan gurigaaga. Waxaan u mooday in gegida dayuuradahu tahay meesha ugu nabdoon. Waan se qaldanaa “
Subaxnimadii Isniinta, 16 Ogosto Daaliban ayaa si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta magaalada. Barakzai waxay doonaysay in ay ku dhuuntaan saldhiga milatariga ee madaarka halkaas oo ay weli gacanta ku hayaan ciidamada Mareykanka.
Laakiin fowdo ayaa meeshii ku habsatay oo Mareykanku uma oggolaan inay gudaha galaan.
Waqtigaas ayay ahayd markii ay ogaatay in Daalibaan ay qudheeda raadineyso.
Daalibaan baa muddo daba socotay
Waxa jiray sabab cad oo ay cabsidaa u qabtay. Waxay ahayd haweeney awood badan leh aadna u dhaleeceyneysa Daalibaan, sanadkii 2014 qof miidaame ah ayaa weeraray gaadhiigeeda. Saddex qof ayaa dhintay Barakzai na dirqi ayay ku badbaaday.
Markii gegida dayuuradaha ee Kabul fowdadu ka bilaabantay Barakzai waxay fariimo u dirtay cid kasta oo ka caawin karta si ay uga baxdo Kabul.
Waxay isku dayay inay la xidhiidho safaaradda Mareykanka laakiin cidna uma jawaabin. Kadib waxay isku dayay inay la xidhiidho Debbie Abrahams, MP oo ah xildhibaan Ingiriis ah oo ay afar sano saaxiibo ahaayeen.
Abrahams waxay isla markiiba bilawday inay waco dhammaan dadkii ay garanaysay ee ku jiray dawladda si ay isugu dayo in Barakzai iyo seygeeda lagu daro liiska dadka la soo qaadayo.
Mid ka mid ah fariimihii argagaxa lahaa ee ku soo dhacay telefoonka Debbie Abrahams oo cod iyo qoraalba lahaa ee ah Barakzai u soo dirtay wax aka mid ahayd tan oo muujinaysa sida xaaladdu halista u ahayd.
“Debbie, fadlan na caawi, marwo, marwo, fadlan na caawi. Waxaan dooneynaa inaan tagno oo aad la hadasho saraakiisha Ingiriiska. Kaliya la hadal cid ka tirsan ciidamada Maraykanka si ay noogu ogalaadaan in aan gudaha galno. Daalibaan waa kuwan way nagu soo dhaw yihiin, fadlan wax nala qabo fadlan! “
Nidaamka shaqo ee Ingiriiska
Dhanka kale, Abrahams wax baa u yara hirgalay. Waxay codsatay in si rasmi ah loogu daro lamaanahaas dadka laga soo daad guraynayo Kabul oo waxay xidhiidh la samaysay wasaaradaha arimaha gudaha, dibadda iyo gaashaan dhigga Ingiriiska.
Galabnimadii Isniintii 16 Ogost waxa fariin loo diray Debbie oo loo sheegay in Barakzai iyo seygeedu ku jiraan liiska dadka mudnaanta gaarka ah la siinayo hase yeeshee aan weli la helin ogolaansho rasmi ah oo lagu soo qaadayo laakiin daad guraynta loo bilaabi doono dhakhso.
Shantii maalmood ee xigay ayaa Abrahams fariimo u diraysay saraakiishii ay la xidhiidhaysay oo ay boqolaal u dirtay saraakiil sarsare oo xukuumadda ka tirsan.
Intii ay magaalada ku dhuumaalaysanaysay
Dhanka kale, Barakzai iyo seygeeda ayaa ku dhuumaaleysanayay magaalada iyagoo ka guuraya hadba guri halka Daalibaan na ay baadi doonka ku haysay.
Maalinimadii Khamiistii ayey dib ugu laabtay goob u haysatay in ay nabad tahay, mise waxaba guri dunsan oo halkii ay joogeen ageeda ah jooga dagaalyahannadii Daalibaan.
Wax ay sidii ahaato ba iftiin rajo ayaa u baxay.
Barakzai ayaa waxa soo wacay qof codka hoos u dhigaya oo isugu sheegay inuu ka tirsan yahay xafiiska Ingiiriiska ee Afghanistan.
Sarkaalka oo magaciisa ku sheegay James ayaa weydiiyay in iyada iyo seygeedu ay haystaan baasaboor British ah iyo in kale, walow xafiiska hore loogu gudbiyey nuqullo ka mid ah baasabooradooda Afghan ka ah Isniintii.
Markii Barakzai ay u sheegtay inay yihiin muwaadiniin reer Afghanistan ah sarkaalkii wuxuu u sheegay inuu ka hubin doono saaxiibbadii oo uu soo wici doono.
Jimcihii 20 Ogost ayaa taleefan kale ku soo dhacay, waa wasaaradda arrimaha dibedda Ingiriiska waxaana lagu wargeliyey in ay sugto illaa inta si rasmi ah loogu soo dirayo E-mail ay ku qoran yihiin macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan magacyadooda iyo goorta la qaadayo iyo duulimaadka ay raacayaan.
Intaa wixii ka dambeeyey cabsida ayaa ku sii kordhaysay, laakiin Abrahams iyo saraakiil kale ayaa iyaguna sii kordhiyey cadaadiska ay ku hayeen wasaaradda arrimaha dibadda oo keenay in Barakzai ay ugu dambayntii loo xaqiijyo oo E-mail loogu diro in la ogolaaday in ay ka soo duulaan dalka.
Macluumaad kooban oo ku saabsan Shukria Barakzai
- Waxay 1970 u dhalatay qoys reer Afgaanistaan ah oo aqoonyahanno ah.
- Awowgeed hooyo wuxuu ahaa senator xilligii Boqor Zahir Shah ee xukunka laga tuuray 1973 -kii.
- Sannadkii 2003 -dii waxaa loo magacaabay xubin ka tirsan Loya Jirga, oo ah hay’ad ansixisay Dastuurka cusub ee dalka markii la riday Daalibaan.
- Sannadkii 2004 waxaa loo doortay Golaha Shacabka (Wolesi Jirga), oo ah aqalka hoose ee ee Afghanistan.
- Waxay aad u difaacdaa xuquuqda haweenka aragtideedaa awgeed na dil baa loogu hanjabay.
- Waxay ku dhaawacan tahay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Kabul sannadkii 2014 -kii.
- Waxay noqotay safiirk Afghanistan ee Norway