Afar Wasiir Oo Xukumadda Siilaanyo Ah Oo Kaadhkii Cod-Bixintu Ka Gubtay Ka Dib Markii Ay Laba Jeer Is-Diiwaan Galiyeen + Magacyadooda

0
15

Hargeysa(Saxilnews) Afar wasiir oo ka tirsan xukumadda Madaxwayne Siilaanyo ayaa waayay kaadhkii Codbixinta doorashadda ka dib markii ay laba jeer is diiwaan galiyeen.

Arrinka mucjisadda ah ayaa waxaa uu ku dhacay wasiiro ka soo jeeda Gobolka Awdal oo markii ay doonteen kaadhkii codbixinta loo sheegay in ay laba jeer codeeyeen oo kaadhadhkoodhii gubteen.

Wasiiraddan ayaa waxaa ka mida sidda uu qoray wargayska waaheen wasiiradda:=

  • Wasiirka waxbarashadda C/laahi ibraahim Habane
  • Wasiirka boosta iyo isgaadhsiinta Maxamed sh C/laahi Cige
  • Wasiirka Xidhiidhka Goloyaasha Qaranka Cali Xaamud Jibriil
  • Wasiirka arrimaha bulshadda Maxamed C/laahi Obsiiye
  • Maayarka Boorama iyo wasiir ku xigeeno sidda uu wargayska Waaheen saaka daabacay.

Dhinaca kale waxaa xusid mudan madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane Saylici ayaa isagu kaligii ka soo qaatay magaaladda Boorama marka laga hadlayo waftigii la socday sidda wargayska Waaheen xaqiijiyay.

Hangoolnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here