Afar Sawir oo micno weyn sameeyay oo Afrika laga qaaday sanadkan

0
17

Muxuu ahaa dareenka dhabka ah ee dadka qaaday sawirradii ugu cajiibsanaa ee Afrika sanadkan 2017-ka ee maalmaha ka hareen?

Afar ka mid ah sawirqaadayaasha Afrika ayaa soo bandhigaya sawirradoodii ugu wanaagsanaa.

Naashnaashka iskuulka ka hor

.Lahaanshaha sawirkaREUTERS

Sawirqaadaha Reuters ee waqooyi galbeed Afrika, Sohra Bensemra ayaa u safartay xero loo barokacay oo ku taala magaalada Doolloow ee Soomaaliya, halkaas oo ay kula kulantay Seynad oo ah ardayad.

Si la mid ah caruuraha da’deeda ah adduunka oo dhan, gabadhi waa ay is hagaajisaa marka ay iskuulka aadayso.

Balse Seynab waxaa lagu qasbay guur, waana 14 jir ah, iyada oo xaas ah ayay iskuulka aaddaa. Qoyskeeda waxa ay helayaan lacag $1,000 ah oo gabaati ah ay u qaadanayaan.

Seynad guurka waa ay diiday, waa ay carartay, duurka ayayna ku dhuumatay, balse markii dambe waa lasoo qabtay, waxaana lagu xiray qol, kadibna lagu qasbay nin afartan sano iyada ka weyn.

Seynab markii dambe waxa ay codsatay furiin, isagana waxa uu rabaa lacagtii laga qaatay in uu helo.

Waxaa lacagtii ka bixisay hay’ad Talyaani ah, sidaasna ninkii ku kala tageen.

Bensemra waxaa aad u dhiirogaliyay go’aanka Seynab ee ah in ay iskuulka dhigato.

Kacdoon

.Lahaanshaha sawirkaREUTERS

Sawirqaadaha wakaaladda wararka ee Reuters ee u fadhiya magaalada Cape Town Mike Hutchings ayaa bishii November u safray dalak Zimbabwe si uu usoo tabiyo militariga dalkaas oo awoodda la wareegay.

Subixii hore waxa uu sawirro ka qaadayay baarlamaanka oo xildhibaanada ay ka doodayeen mooshin codka kalsoonida ay kala laabanayaan Mugabe, balse wax badan oo xiiso leh oo la sawirro ma aysan jirin.

Isaga oo gurigiisa iska aadi raba ayuu soo wacay qof ay saaxiib yihiin, una sheegay in Mugabe is casilay

Kaamaradiisa ayuu la cararay, wuxuuna tagay mid ka mid ah waddooyinka waaweyn, halkaas oo uu la kulmay dad farxad la dhawaaqaya, waana marka uu qaaday sawirkan muujinaya shucuurta dadka ee xiligaas.

Dhaawac cusub

Sawir qaadaha u dhashay Nigeria Akintunde Akinleye ayaa u safray magaalada Maiduguri ee Koonfur Galbeed ku taala Waqoyi bari Nigeria, si uu ula kulmo ragga la dagaalamaya kooxda Boko Xaraam.

Isaga oo ka mid ah dadka ku nool Canada, waxa ay dadka weeydiiyaan su’aalo ah in Nigeria ay dagaal ku jirto iyo in kale, wuxuuna ugu jawaabaa in meelo kooban oo dalkiisa ay rabshado ka jiraan.

Waxa uu aad u rabay in uu muujiyo dhanka kale ee sheekada, wuxuuna sawir ka qaaday mid ka mid ah 30,000 oo ciidammo maxali ah oo loo tabobaray in ay iska caabiyaan Boko Xaraam.

Waxa sawirka ka muuqda Dala Aysami Angwalla oo 38 jir ah oo ku dhaawacmay dagaalka.

.Lahaanshaha sawirkaAKINTUNDE AKINLEYE

Akinleye ayaa waxa uu doonayay in uu muujiyo in dhalinyarada gobolkan ku nool aysan wada taageersanayn kooxaha xag jirka ah, ayna jiraan dad la dagaalamayo.

Qamaarka

Sawirqaadaha u dhashay dalka Koonfur Afrika John Wessels ayaa safar ku tagay gobolka Kasai ee dalka DRC Congo, isaga oo la socday hay’adda Oxfam.

Waxa uu la kulmay haweenay dadkii soo qaxay ka mid ahayd oo meel kaniisad ah hoy ka dhigatay, waxa ay gacanta ku heysataa qamaar ama nooc garbasaarada ka mid ah oo ka mid ahaa agabkii ay lasoo qaxday.

.Lahaanshaha sawirkaJOHN WESSELS/OXFAM

Waxa uu Wessel aad ula yaabay in haweenayday ay alaabti horey usii diyaarsatay ka hor intii aanan lasoo weerarin tuuladii ay dagaynayd.

Ninkeed waa la dilay, iyada iyo caruurteedana waa ay soo qaxeen.

muddo bilo ah ayay duurka ku noolaayeen iyaga oo aanan cuno haysanin, markii dambane kaniisada ayay iska yimaadeen.

Iyada oo xaaladaas ku jirto ayay haddane doonaysay in ay garbasaarka xirato si ay sawirka ugu qurux badnaato.

Dhammaan afarta sawir qaadayaal waxaa lagu waraystay barnaamij ka baxay BBC Focus on Africa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here