“ADUUNKA MA JIRO BAARLAMAAN SADDEX NIN HOGAAMIYAAN SIDII MAXAKAMADDA, KHALADKII DHACAY 80% WUXUU DUSHA KA SAARANYAY GUD. XIGEENKA”

0
28

Hargeysa( saxilnews.com)-Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa masuuliyadda gacan ka hadalkii shalay dhex maray Guddoomiye Cirro iyo kuxigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax dusha u saaray Baashe oo uu sheegay inuu sharciga iyo masuuliyadda baal maray.

Waxa uu sheegay in inta ugu badan khaladka dhacay ku yimi ficilladii Baashe. “Horta wakiillada wixii shalay ka dhacay boqolkiiba sideetan(80%), waxay dusha ka saaran tahay guddoomiye xigeenka. Sida uu shalay u macaamilay si odaynimo ah iyo si sharci ah midna ma ahayn. Guddoomiyuhu isagu sharci ayuu cuskaday oo wuxuu yidhi ; wuxuu qorayaa xeer hoosaadkeenu mooshinka fadhigan lagaga dooday in fadhiga dambe la keeno, dee arrintu halkaas bay ku dhammayd ee laakiin in Makarafoonka la qabsado oo lagu dagaalamo ma ahayn, wixii halkaas ka dhacayna inta badan waxay dhakada ka saaran tahay guddoomiye xigeenka.” Ayuu yidhi Faysal.

Wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Guddoomiyaha laftiisu gar uu lahaaba wuxuu ku horeeyay gacanta baa la yidhi. Marka aynu dhab ahaan eegno waxani waxay u dhacayaan sababo badan, dastuurkeenu wuxuu qorayaa in goluhu guddoomiye yeesho iyo laba ku xigeen, tii baa la bedelay oo lagu bedelay shir guddoon, kuxigeennadu marka guddoomiyuhu maqan yahay ayay iyagu meesha fadhiistaan. Aduunka ma jiro baarlamaan saddex nin hogaamiyaan sidii maxakamadda, horta Shalay Cabdiraxmaan wuxuu yidhi Baarlamaanku yeelan maayo laba guddoomiyee, wuxuuba leeyahay saddex guddoomiye oo shirguddoonka isagaa ogolaaday,” ayuu yidhi Eng Faysal.

 

 

 

saxilnews005@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here