Berbera (Saxilnews.com)Adeegga Zaad wuxu qayb kayahay burburka qoyska waayo waxa uu sababay in hal qoys, nin iyo xaaskii ay ku kala noolaadaan magaalooyin kala duwan iyagoo isqaba biilashana isku diraan, waxa u fududaysay Zaad, waa adeeggaas fududaynaya kala fogaanshihii, dhiiri galinaya kalamaqnaashaha qoyskii wada noolaan lahaa.
Khasaaraha kale ee uu leeyahay waxa kamid ah luminta wakhtiga, in dadku wakhti badan ay ku lumiyaan mobiladooda gacanta , sida eegista hadhaaga, lacag diris iyo hubinta lacag lasoo diray.
Xog uruurin qoto dheer oo aanu samaynay waxa aanu ku xaqiijinay in ummaddu aanay wax feker ah ka haysan adeeggan, balse waxa kaliya oo dadku noo sheegeen sababta ku kaliftay in ay furtaan (ZAAD).
Mar aanu wax ka waydiinay mid kamid ah dadka isticmaala Zaad waxa uu noosheegay sida uu aaminsanyahay in haddii uu mobilku kaa lamu ama lagaa xado, lacagta ku jirtaa kuu bad baadayso oo laguu xayirayo marka aad xarunta kuugu dhaw gaadhsiiso.
Halka ay dadbadan oo kalena noo xaqiijiyeen sidii mobilkoodu u lumay in lacagtiina loogala baxay illaa haddana aanay hayn, cid ay u raacaan hantidii mobilka ugu jirtay.
Mar aanu feker uruurin samaynay gaar ahaa ganacsatadu waxay noo sheegeen intooda badan in aanay wax aqoon ah u lahayn Zaad balse ay isticmaalaan.
Mid ka mid ah ganacsatadaas waxa uu noo sheegay in aanu wax kalsooni ah ku qabin adeegga ZAAD oo aanu aaminsanayn digital currency in uu ka ammaan badan yahay lacagta caadiga ah, lakiinse waan isticmaalaa ayuu yidhi “sababtoo ah ganacsigaygii ayaan la iibsanayn waayo dadkii waxay sitaan digital money, markaa waa inaan ka qabtaa, digital money illayn duruufta ayaa kugu khasbaysee balse kuma kaydsado oo markiiba waan kala baxaa lacagtayda” ayuu yidhi ganacdahaasi
Shuruudaha lagugu xidhayo marka aad furanayso adeegga Zaad waxa kamid ah in form lagaa buuxiyo oo lagu sawiro.
Formka waxa lagu qorayaa magacaaga, magaca hooyadaa, qof dammiin ah iyo mid dhaxalkaaga qaadanaya.
Taasi waa shuruudaha lagu xidhayo qofka loo samaynayo ZAAD balse looma ogola qofka in uu shuruudo keensado ama ugu yaraan hal qodob ku darsado dhiniciisa.
Kuma xusna haddii lacagtiisa uu waayo cidda uu kala xidhiidhayo.
Kuma xusna habka uu u raadsanayo.
Kuma xusna in aanay cidna uga mas’uul ahayn
Kuma xusna in ay cidi uga mas’uul tahay
Kuma xusna wax heshiis ah iyo shuruud ah toonna.
Dadku ma wada jecla adeeggan balse inba inta kale ayay ku kalifaysaa dadku iyagaa samaystay cidi may qasbin immikana isticmaalkeeda way joojin karaan iyagoo hantidooda badbaadinaya maaha wax wayn, wali maynaan gaadhin heer shirkad yari ay inoo taliso oo nolosheena gacanta ku qabato, wali waynu noolnahay wali waynu jirnaa, wali waynu joognaa.
Haddii aynu taariikhda dib u jalleecno waxa aynu fahmaynaa dunidii shalay iyo sidii loogu noolaa kadibna, waxa inoo sahlanaanaysa in aynu wax ka ogaano dhacdooyinka maanta sida ay berri u ekaan karaan inyar aan ka faaloodo shirkaddii Albarakat
AlBARAKAT
AlBARAKAT (البركات) oo macnaheedu noqonayso (BARAKAYSAN) (blessings) waxa gudaha Somaliya laga aasaasay 1986, waxay ahayd shirkad ku shaqaysa qaabka casriga ah ee xawaaladaha Informal value transfer system and remittance.
2001 Albarakat waxay gaadhay 40 dal oo caalamka ah, waxay kaloo noqotay shirkadda kaliya ee gaar loo leeyahay ee ugu shaqaalaha badan somaliya.
Waxa sannadkii soo gali jiray $140 million oo dollar, kuma ay koobnaan habka xawaaladaha oo kaliya ee waxay keeneen phones iyo adeegga internet.
Kadib weerarkii lagu qaaday mataanihii Maraykanka September,11,2001. Dawladda maraykanku waxay qaaday tallaabiyin kala duwan, iyo dabagal dheeraad ah oo ay ku baadi goobaysay ciddii weerarkaas fulisay, yaa kamid ahaa shirkadihii maraykanku liiska argagixisada ku daray, maxaase dhacay.
Lasoco qayabaha danbe
W/Q: Axmed Cabdilcasiis Xaaji Maxamed