Abwaanka ka hadlay jiilka cusub ee Soomaalida, iyo dhaqanka doorsoomay

0
22
IskuulLahaanshaha sawirka.

Soomaalidii hore iyo tan maanta joogta ayaa waxyaabo badan oo dhaqanka iyo noolashaba ah ku kala duwan yihiin, sida uu BBC u sheegay Saciid Ibraahim Dool.

“Wakhtigii hore nolosha umaddeenu salkay ka fadhiday, macno waynna waxay ahayd qof dhulkiisa ku kalsoon, maalkiisa ku kalsoon, magaciisa ku kalsoo, salka ayaana laga fadhiyay, ayuu yiri abwaan Siciid.

Abwaanka oo noloshaas hore maanso ku cabiraya ayaa ku hal qabsaday saaxiibkii abwaan Maxamuud Xuseen Qaalib wuxuuna yiri:

  • Janno gale jinsiga qaaliboow jaalahayow heedhe
  • Taladaynu jeexjeexaynaa waa mid jiritaanne
  • Bal jeedaali nolosheennu way kala janjeertaaye.
  • Bakiin jananka joogaa markuu jiirka dabanaayay
  • Ama jasadka doofaar jacbur ah Yurubtu jiidaysay
  • Ee gaajo jinac loo dubtee juuca lala liitay
  • Jabadkeennu qani buu ahaa loo jamiray maal
  • Jinawgiyo karuurkaa ku jiray jaarka iyo dhiil e

Murtidan oo intan ka dheer hoosna aad ka dhagaysan karto ayuu abwaanku ku soo gunaanaday:

  • Markii uu dadkiisii jabee jiilo kala raacay
  • Ee ay jamashadii leexatuu aasmay toban joog e.

Haddaba maxaa is badalay?

“Caqli ahaan markaan kayga ku cabiro wallow aan shaqsi ahay horta dadku waa dadkii laakiin waa la doorsaday baan oran karnaa,” ayuu yiri abwaan Saciid.

“Tusaale ahaan xoolaha aan dhoofinno waan dhufaanna si aysan ugu dhallin cidda aan ka gadaynno, sidaas oo kale ayaa innana aqoon dhufaanan la inoo keenay ayaan oran karnaa,”

Wax kale daayee dhadhanka iyo labiska xataa dad kale ayaa inoogu macallin ah, barigii horana inaga ayaa waxeenna isugu macallin ahayn,” ayuu yiri Abwaanku.

Abwaanka ayaa waraysiga uu BBC-da siiyay ku soo gabogabeeyay maanso uu u bixiyay Tiih oo gunaanadkeedu yahay:

  • Kuwaannu taxaabayniyo tagoogaha kuwa ku jira tilmaansada yaan niraah
  • Tusmada waxaan uga socdiyo tusaaluhu waa cad yee su’aashu waxay u taal
  • Bulshadan la tabcaamiyee wareerka la tiihaysaay, ma adaa marka tiir la rabo tukubo boocaha ka jara
  • Ma adaa tiin qodax leh iyo taabkaada ku beerta ciin haddana timir aad cuntiyo tufaax bisil lab ka jecel.

Hoos ka dhagayso waraysiga Abwaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here