Abaartii Iyo Biyo La,aantii Ka Jirtay Gobolada Bariga Somaliland Oo Soo Kartay Iyo Gudidii Abaaraha Ee Heer Qaran Oo Aan La Hayn Meel Ay Jaan Iyo Cidhib Dhigeen

0
25

Abaartii Iyo Biyo La,aantii Ka Jirtay Gobolada Bariga Somaliland Oo Soo Kartay Iyo Gudidii Abaaraha Ee Heer Qaran Oo Aan La Hayn Meel Ay Jaan Iyo Cidhib Dhigeen

Maalinba maalinta ka danbeysa waxa si joogta ah isu soo taraya oo xoogaysa abaarta iyo biyo La,aanta baahsan ee ka jirta gobolada bariga waxayna abaartu galaafatay guud ahaanba Xoolihii ay haysteen dadka Reer Guuraga ah Ee Ku Dhaqan Gobolada Bariga Somaliland ,

Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa Wax Uu Magaacbay Gudiga Abaaraha Heer Qaran Wakhti Abaartu Ka Dhacaay Gobolada Galbeedka somaliland Gudidaasi Kaalin Mug Leh Ka Qaadatay Badbaadinta Iyo Samata Bixinta Dadkii Ay Abaartu Haleeshay Ku Dhaqnaa Gobolada Galbeedka Somaliland ,

Hadaba Gudida Abaaraha Heer Ayaa Ka gaabiyey Wax Ka Qabashada Gurmadka Iyo Gar gaarka U Baahanyihiin Dadka Iyo Duunyada Ay Ku Habsatay Abaarta Ba,an Ee Ka Jirta Gobolada Bariga Somaliland Oo Kun Jeer Ka Baaxad Wayn Tii Ka Dhacay Gobolada Galbeedka Somaliland Oo Ay Dedaal ,Juhdi Iyo Dhaqaale Badan Ku Bixiyeen Gudida Abaaraha Heer Qaran.

Hadaba Su,aalaha Ay iS waydiinayaan Gobolada Bariga Somaliland Ayaa Waxa Ka Mid Ah
1. Gudida Ma Waxa haysta Aqoon Daro Gobolada Bari Ah
2,Ma Waxa Jirta hagrasho iYo Daacadnimo La,aan
3.Maxa Anay Aaminsananay Abaarta Ka Jirta Gobolada Jirta Gobolada Bari,
Su,aalahaas Iyo Kuwo Kale Oo Badan ayay Iswaydiinayaan Bulshada Ku dhaqan Gobolada Bariga Somaliland lamana Garanayo Sababta Ay Uga Gabiyeen Gurmadka Iyo Taakulaynta Loo Fidinayo Dadka Ay Abaartu Saamaysay,

Si Kastaba Ha Ahaate Dadka Reer Guuraga Ah Ee Nool gobolada Bariga Somaliland Ee La Ildaran Diifta Iyo Towsta Abaarta Ka Dhalatay Ayaa Ka War Sugaya Talaabada Ay Xukumadu Ka Qaado Gudida Fadhiidka Ah Ee Taakulaynta Abaaraha Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here