Aalada VAR, La Shaqeynta Guardiola, Soo Laabashada Neymar, Real Madrid Oo CR7 La’aan Ah, La Masia, Iniesta & Lionel Messi Oo Bixiyay Wareysi Xasaasi Ah.

0
29

Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaa la hadlay majaladda Marca, wareysi gaar ah ayuu siiyay isagoo ka hadlay waxyaabo badan oo khuseeya kubadda cagta.

Kabtanka Balaugrana wuxuu ka hadlay aaladda VAR, kuleejka uu kasoo qalin jabiyay ee La Masia, waxa kala dhaxeeya Iniesta, soo laabashada Neymar Junior, hadii uu jeclaan lahaa la shaqeynta Pep Guardiola? sida uu ku dareemay shaxda Ernesto Valverde iyo sidoo kale hamigooda koobka UEFA Champions League.

Lionel Messi si qoto dheer ayuu kaga faa’ideystay fasaxiisa, wareysigana wuxuu ku tilmaamay waxyaabo badan oo isaga la xiriira, shabakadda Marca waxey weydiisay sida uu u arko Real Madrid oo uu ka maqan yahay Cristiano Ronaldo.

Champion League:

“Sida aan sheegay bilowgii fasal ciyaareedka, Champions League mar walba waa mid khaas ah marka laga hadlo waxa uu la macno yahay, waana jeclaan lahaa inaan mar kale ku guuleysto”

Pep Guardiola:

“Inkastoo ay adag tahay, waan jeclaan lahaa inaan la shaqeeyo Pep Guardiola mar kale, waa mid ka mid ah macalimiinta ugu fiican dunida”

Hanaanka Ernesto Valverde ee Barcelona:

“Sanadkaan waxaan ciyaarnaa 4-3-3 mar kale. Sanadkii hore waxaan heysanay laba saf oo min afar ah (4-4-2) waxaana yaraa firaaqada, sidoo kalana wey adkeyd in goolal badan la dhaliyo, hadda wax badan ayaan kubadda heysanaa, si fiican ayaan u ciyaarnaa. Kulamadii ugu dambeeyay waxaan hormar ka sameynay difaaca”

Kuleejka La Masia:

“Waa muhiim in la aamino wiilasha ku jira xerada La Masia, waxey u arki doonaan ineysan suuragal aheyn kooxda waaeyn iney usoo dalacaan. Waxaan leenahay xero weyn, mustaqabalkana waa la arki doonaa 11-xiddig oo akadeemiga ah oo Barcelona u ciyaaraya, balse wey imaan doontaa”

Andres Iniesta:

Sida iska cad gudaha garoonka iyo banaankaba, waxaan ku wadaagnay sanado badan iyo waxyaabo badan, tababarka xilli ciyaareedka, kulamada iyo xaalado ka baxsan kubadda cagta, dabcan waa wax cajiib ah”

Ballon d’Or:

“Waan ogaa inaan wax fursad ah u heysan inaan fasalkaan hantiyo, waan maqlay magacyada, waana ogaa inaan aadeynin halkaas, wixii markaas ka dambeeyay maba sugin inaan saddex ama afar ahay, layaab iguma aheyn sababtoo ah waxba rajo kama laheyn”

Ousmane Dembele:

“Isaga ayey khuseysaa meesha uu doonayo inuu aado, wuxuu noqon karaa kan ugu wanaagsan, waa wiil yar sidoo kalana la qabsi leh. Inaan wax badan ka hadlin dhaqankiisa banaanka ayaa wanaagsan, dabcan wuu yaqiinsaday qaladkiisa, waa wiil fiican, isbadal ayuu sameeyay waana caawin doonaa”

Real Madrid oo Cristaino Ronaldo la’aan ah:

“Bilowgii fasal ciyaareedka waxaan sheegay iney yahiin koox weyn, mid ka mid ah kuwa ugu wanaagsan dunida, sidoo kalana heysata ciyaartoy badan oo waaweyn, balse qof walba ayaa tabi laheyd Ronaldo. Wuxuu dhalinayay goolal badan sidoo kalana wuxuu ku siinayaa waxyaabo kale, sidaas darteed layaab iguma aheyn”

Aaladda VAR:

“Markii ugu horreysay waan diidanaa, waayo ma arkin. Balse hada waxaan ku fakarayaa iney tahay wax u fiican La Liga. Si fiican ayey u aqbaleen jamaahiirta iyo ciyaartoydaba, si dhaqso ah ayey ula qabsadeen”

Neymar Junior:

“Waxey ila tahay iney dhib badan tahay sidauu Neymar kaga baxo PSG. Waan jeclaan laheyn inuu soo laabto, ciyaartoy ahaan iyo qolka labiskaba, waxaa nahay saaxiibo waxaan si wadajir ah u helnay khibrado ka badan kuwa kale. Balse Paris Saint Germain ma dooneyso iney Neymar u ogolaato inuu baxo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here