“AAD BAY U ADAG TAHAY IN SOMALIYA AY SOO GAADHO HALKA AY SOMALILAND MAANTA MARAYNO” WASIIR FARATOON

0
22

Hargeysa:-(saxilnews.com) Wasiirka Arrimaha Guddaha Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay inay Somaliland 27-sanno ee ay ka madax banaanayd Somaliya, inay soo martay marxalado kala duwan, waxaanu xusay in halka ay maanta Somaliland ka joogto Dimuqraadiyada iyo nidaamka Axsaabta badan iyo Doorashooyinka aanay wali gaadhin Somaliya, isla markaana ay adag tahay inay gaadho.

 

 

Wasiirka Arrimaha Guddaha Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay qurba jooga iyo qaabka loo wada aqbalay natiijadii Doorashada, waxaanu ugu horeyn yidhi “Arin aad iyo aad u wanaagsan bay ahayd inuu Madaxweynuhu qaabilo qurba jooga, waana wax haboon in qurba joogu ay la socdaan sida ay Madaxda dalku u fikirayso, madaama ay dalka ka maqan yihiin in Madaxdooda ay la kulmaan, oo looga xog waramo dalkooda iyo hadba wixii soo kordho, iyo xaaladu halkay marayso waa qorshe wanaagsan, Madaxweynuhuna si fiican buu u asiibay inuu qurba joogiisa uu la kulmo, una xog waramo”.

Wasiirka Arrimaha Guddaha mar uu ka hadlaayey in ugu dambeyntii natiijadii Doorashada la wada aqbalo ayaa yidhi “Waa wax Afrika iyo Wadamada soo koraya aan looga baran in Madaxdoodu isku haynayso Doorashooyinka iyo markay kala guulaystaan, waana arin aad iyo u wanaagsan, waana ku hambalyeynayaa Xisbiyada Mucaaradka talaabadaas wanaagsan ee ay qaadeen iyo qaabka wanaagsan ee ay u fikireen”

Mar uu ka hadlaayey Somaliya ayaa yidhi “27 sanno ee aynu ka madax banaanayn Somaliya, kolba marxalad ayeynu soo maraynay, kolba meel baynu ka soo gudbaynay, Xukuumaddo ayaa taladda dalka iskaga dambeeyey, oo Doorashooyin xor iyo xalaal ah ayaa inoo dhacay, oo dalkeena ka hirgalay, si bilaa turxaanana weynu iskugu haneenayn, sidaas darteed aad bay u adag tahay in Somaliya ay soo gaadho halkaynu maanta marayno iyo heerkaynu ka gaadhaynay Dimuqraadiyada, iyo habka aynu Doorashooyinka u galno, ee sinaba suurtagal uma ah inaynu mar dambe la midoowno Somaliya, ee waxaan leeyahay Somaliya aynu ahaano laba dal oo jaar ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here