Taangiyo Ay Wataan Ciidamada Dowlada Turkiga Oo Gudaha U Galay Dalka Ciraaq

0
27

Ankara (SAXILNEWS.COM)_Telefiishanka caank ah ee CNN ayaa baahiyey Boqolaal ka tirsan Ciidamada gaarka ah ee Dowlada Turkiga oo wata taangiyo iyo hub culus ayaa ka talaabay xadka ay Wadaagaan Wadamada Ciraaq iyo Turkiga, waxa ayna Ciidamadan gaadheen Deegaano ay ka taliyaan Dagaalyahanada Kurdiyiinta.

Ciidamadan oo qayb ka noqonaya kuwa la dagaalamaya Kooxda Daacish ayaa hada gaadhay Deegaano ku dhaw Magaalada Mosil oo hada ah xarunta ugu weyn ee Kooxda Daacish, waxa ayna Ciidamadan gacan siinayaan dagaalyahanada Kurdiyiinta ee loo yaqaan Peshmerga.

Taangiyada ay wataan Ciidamada Dowlada Turkiga u dirtay Dalka Ciraaq ayaa hada ku sugan Deegaano ay ka taliyaan Kooxda Kurdiyiinta ee Peshmerga, waxa ayna Ciidamadan gacan ka siinayaan Kooxdan dagaalka ka dhanka ah Daacish iyo tabar milatari.

 

 

SAXILNEWS005@GMAIL.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here