Hargeysa(Saxilnews.com)-Qaybo ka mid ah bulshada ku dhaqan degaanka la yidhaa Ilko-weyne oo ka tirsan degmada Wajaale ee Gobolka Gabiley, ayaa cabasho xooggan ka muujiyey qaabka loo maamulayo qaybinta raashin mucaawinooyin ah oo loogu talogalay dadka abaaruhu saamaynta ku yeesheen.
Qaar ka mid ah odayaasha degaankaas oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa sheegay inay cabasho xoogan ka tirsanayaan qaabka loo qaybiyo raashinka deeqaha ee loogu talogalay dadka abaaruhu saamaynta ku yeesheen, gaar ahaan degaankooda oo hoos taga degmada Wajaale, waxayna xuseen in la tuuray liiskii magacyadoodu ku qornaayeen, lana qaatay dad kaloo si gaar ah loo diiwaangeliyey.
“Annaga oo ah odayaasha, dhallinyarada iyo haweenka ku dhaqan degaanka Ilko-weyne oo ka tirsan Gobolka Gabiley, waxaannu cabasho xooggan ka muujinaynaa Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Gobolka Gabiley habka iyo nooca wax ay u wadaan madaxda maamusha hawlaha dib-u-dejinta iyo raashin-qaybinta ee degaanka aannu ku noolnahay.
Iyada oo ay jirto arrimo farsamo xumo iyo wax is-daba-marin horseed u yihiin qaar ka mid ah odayaasha degaanka iyo sidoo kalena ku ayidsanyihiin nimanka hawshan watay oo uu ugu horreeyo ninka la yidhaa Farxaan Abiib Xasan oo qaabilsan isku xidhka hawlaha qaybinta raashinka ee degaannada Gobolka Gabilay.
Waxa kaloo la doonayaa in degaan ahaan saamigii aannu ku lahayn raashinka taakulada ah la naga duudsiyo, faro madhanna aannu ka taaganahay annagoo goob-joog u ah. Isla markaana aan la naga qaadin wax diwaangalin ah, warqadaha ama dukumantiga la qaatayna aanay ahayn kuwii saxda ahaa ee markii hore wax loogu qaybin jiray beelaha walaalaha ah ee wada dega degaanka Ilko-weyne.
Sidaa darteed, mar labaad waxaannu caddaynaynaa in dukamantiga la rabo in loo gudbiyo hay’adaha qaabilsan caawimooyinka ee hadda ka bilaabaya mucaawinooyinka loogu talogalay dadka tabaalaysan ee abaaruhu aafeeyeen in aanay ahayn kuwiii saxda ahaa ee bulshadu ku wada qannacsanaayeen, balse uu yahay caagleyn.
Guntii iyo gebagebadii waxaannu ka codsanaynaa hay’adaha arrintani khusayso, sida Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland, gaar ahaan Gobolka Gabiley in hoos loo eego arrimaha aannu ka cabanayno si caddaalad ku jirto, lana soo diro dad xaqiiqo-raadin ah, haddii kale arrinku wuxuu noqon doonaa jaantaa rogan, wixii dhibaato ah ee ka dhacana ay masuul ka noqonayso cidda wadata hawsha xaqayaga lagu duudsiyayo,” ayey odayaashu ku yidhaahdeen qoraal cabasho ah oo ay warbaahinta u akhriyeen.
Saxilnews.com