Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka oo laba Suxufi Xabsiga u Taxaabay iyo Nidaamkii Guddoomiyaha Maxkamaddu sheegay oo meesha ka baxay

0
25

Hargeysa (SAXILNEWS.COM)_Agaasimaha Telefeshinka Bulsho Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Suxufiga Siciid Khadar Cabdillaahi oo Weriyeyaasha TV-gaas ka hawlga ka tirsan, ayaa Xabsiga loo taxaabay shalay, ka dib markii Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland amar ku bixiyey xadhiggooda, iyagoo laga qabtay Xafiiska Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka oo shaqo u tageen.

Cabdirashiid Nuur Wacays, ayaa sidoo kale ah Guddoomiyaha Wargeyska Hubsad oo ka mid ah Wargeysyada Hargeysa ka soo bixi jiray oo dhawaan ay dib u bilaabeen markii ay kala wareegeen qoladii hore u lahayd Ruqsadda Wargeyskaas, halka sidoo kale Suxufi Siciid Khadar Cabdillaahi Tifaftiraha Hubsad ahaa, balse aanay maalmahan u dambeeyey soo saarin Wargeyskaa, ka dib markii sida ay Himilo u sheegeen ay qoraalka aqbalaadda kala wareejinta Ruqsadda Wargeyskaas ay ka dalbadeen Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka. Hase-yeeshee, ay haddidaad iyo hanjabaad kala kulmeen Xeer-ilaaliyaha guud Axmed Xasan Aadan.

“Waxaannu ka sugaynay Xeer-ilaaliyaha Warqad, Wargeyska waxaannu kala wareegnay qoladii hore u lahayd, Wargeysyadana Ruqsaddooda waa la kala iibsan karaa, waana la isku wareejiyaa, si sharci ah ayaannu ula wareegnay Wargeyska Hubsad. Markaa, Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka waxaannu ka codsannay Warqad, waxaanu nagu yidhi lama wareegi kartaan Wargeyska Hubsad, soomana saari kartaan. Markaannu nidhi maxaannu kaga duwannahay Wargeysada kale ee lala kala wareegay ee Hargeysa ka soo baxana, Askar buu noo dalbaday uu ku armay inay na xidhaan, sidaas ayaana nalagu xidhay.” Sidaas ayey yidhaahdeen labadan Suxufi oo Weriye Himilo ka tirsani ku booqday Xarunta C.I.D-da ee magaalada Hargeysa oo ay shalay lagu xidhay.

Tallaabadan lagu xidhan Suxufiyiintan, ayaa meesha ka saaraysa Nidaam uu dhawaan sheegay inay dejiyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed, isagoo sheegay inay sameeyeen nidaam sharci oo dhigaya inaan Nin Suxufi ah la iska xidhi karin illaa ay Maxkamadi Xadhiggiisa amarto oo Dacwadda loo haystaa dhammaystiranto oo Maxkamadi go’aan ka gaadho ka hor. Balse, waxa muuqata inuu Xeer-ilaaliyaha guud ka tallaabsaday nidaamkaas uu Guddoomiyaha Maxkamadda sare sheegay in lagula dhaqmi doono Saxaafadda.

 

 

SAXILNEWS05@GMAIL.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here