Paris (SAXILNEWS)_TV-ga BFMTV ee laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa baahiyey Rasaas culus oo laga maqlayey woqooyiga magaalada Paris, iyadoo wararku sheegayaan in howlgal amni uu halkaasi ka socda.
Waqooyiga Paris ayaa waxaa laga arkayaa qiiq iyo is-rasaaseyn laga dareemayo, sidoo kale TV-ga BFMTV ayaa baahiyey dhaawacyo badan oo daadsan wada hareeraheeda.
Askar ka tirsan ciidanka boliiska ayaa la dhaawacay, sida laga soo xigtay TV-ga BFMTV ee dalkaasi.
Goor sii horreysay ayaa boliisku sheegeen in sawirro muuqaal ah laga ogaaday inuu jiro qofkii sagaalaad oo qeyb ka ahaa weerarkii Sabtida lagu qaaday Faransiiska ee ay ku dhinteen 129 ruux.
Ururka la baxay dowladda Islaamka ayaa sheegtay weerarkaasi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in waddooyinka la xidhay agagaarka Place Jean Jaures ee ku taalla xaafadda Saint Denis.
Wali ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay is-rasaaseyntan.
MAXAMED ILKACASE
SAXILNEWS005@GMAIL.COM