Hargeysa (SAXILNEWS)_Musharraxiintii dhowaan isku caleemo saaray Huteel Maansoor Musharraxnimada Xisbiga Kulmiye, ayaa durba bilaabay qorshe jilicsan oo la xidhiidha kalsooni darro haysata Musharraxiinta Xisbul Xaakimka Kulmiye inay guuldareystaan hadii ay la tartamaan Musharrax da’da yar ee Jaamal cali Xuseen iyo ku-xigeenkiisa.
Ilo-wareedyo looga qaateen ah oo ku sugnaa Huteelka shirku ka dhacay ee Maansoor ayaa lagu sheegay in Boqor Buurmadow iyo Musharraxa Madaxweyne iyo ku-xigeen iyo weliba Wasiirka Madaxtooyaddu isku arkeen halkaas, iyadoo ajandaha Kullankoodu ahaa in Boqorka la siiyo qanadaraas ku saabsan oloole uu ku qaado, Beesha ciise Muuse ee uu kasoo jeedo Musharraxa da’da yar ee Jamaal cali Xuseen waxana sida xoggaha shabakada xogreebnews heshay sheegen, waxa uu qorsahani yahay in Boqor Warbaahinta ka hadlo isla markana yidhahdo “Beesha Ciise Muuse waxa lagu leeyahay abaal badan oo uu ku leeyahay walaalahood Sacad Muuse, marka Ciise Muuse waa inay Jamaal ka reeban oo aanay iska soo garab sharaxin Muj Muuse”.
Sidoo kale, kulankii Muuse iyo kooxdiisu la yeeshen Boqor Buur Madow ayaa la sheegay in uu goobtaas Musharrax muuse Bixi Boqorka ku gudoonsiiyey Cummaamad la sheegay, in ay ahayd Xaal-marin taas oo ahayd in uu Muuse kaga xaal-marinaayo weedho waqti hore uu uga yimi Boqorka Beesha Sacad Muuse, Boqor Axmed Madmadow kaas oo marar badan warbaahinta uga jawaabay Buurmadow.
Qorsahan uu Buurmadow qandaraaska kaga soo qaatay Musharraxiinta bila kalsoonida ah, ayaa la sheegay in lagula heshiiyey Boqor Buurmadow in la siiyo dhaqaale ka badan 100,000 oo Dollar, iyadoo qaybtii hore halkaas lagu gudoonsiiyey Boqor Cismaan aw Maxamuud Buurmadow. Waxana la filayaa in uu maalmaha soo socdo bilaabo qorshahan, isagoo warbaahinta ka hadli doona odhannayaana Ciise muuse Jamaal ka reeba Sacad Muuse waa Markoodiiye.
Geesta kale, muddo laga joogo laba bilood ayuu boqor buurmadow si ka baxsan anshaxa dhaqanka uga hadlay saxaafadda isagoo ka sheegay in Habar-jeclo xidhiidhka u jartay cilaaqaadkii ka dhexeeyey beesha Sacad Muuse. Weedhahaas oo dadweynaha falanqeeya siyaasaddu ku tilmaameen kuwo aan soo marin caqli fayow, isagoo weliba si badheedh ah ugu jees-jeesay beesha Sacad, waxanu sheegey in Beeshaasi Siyaasadda ma dheleysku yihiin, sidoo kale-na aanu jirin wax abaal ah oo ay u hayaan. Xilligaas oo boqorku si weyn ugu milmay arrintii khilaafka Kulmiye, waxana waqtigaas la sheegay in uu shaqeynaayey garabkii lagag adkaaday Siyaasaddii Kulmiye oo uu hoggaaminaayey Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda oo siiyey xooga Lacag ah.
Si kastaba ha ahaatee, Boqor Buurmadow ayaa caanku ah ha hadalka arrimaha xasaasiga ah ee siyaasadda, isagoo doorkana fuuli doona ajandaha aan kasoo hadalnay, waxa’se uu noqon doona mid bulshada somaliland aanay dib u qadarin mar hadii uu yahay awr kiroole maalinba meel loo rarto.
SAXILNEWS005@GMAIL.COM