Hargeisa (SAXILNEWS)_Warar Hordhac ah oo Hada Soogaadhay shabakada saxilnews ayaa kuwaramaya in uu khilaaf Culusi Kadhex Qarxay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa Xisbigaas jamaal Cali Xuseen iyo Kuxigeenkiisa Cabdirashiid Xasan Mataan, Khilaafka ayaa Qarxay Markii Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Bilaabay Wadahadalo hoose oo uu Xisbiga Ucid Ugu Raadinayo Masharax Madaxwayne oo aan Ahayn Jamaal Cali Xuseen.
Waxana ay Wararku Intaas Kudarayaan in uu Faysal Cali Waraabe Wadahadal hoose Lafuray Garabkii Kajabay Xisbiga Kulmiye Kuwaas oo uu hormuud Uyahay Ex Wasiir Xirsi A-Samaale M-Bixi Yonis,Garabkan ayaa haystay Dhaqaale Culus oo ay Durba Kuruxeen Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, Waxana Kago,an in ay Furtaan Xisbi ay ugu Yaraan Guuldaro kubadaan Musharax Muuse Biixi oo Dhawaan Si Jujuub ah Loogu Caleemosaaray Hogaanka Kulmiye.
inkasta oo ay Xogtani Noocadaynin uu Gudoomiye Faysal Heshiis Lagalay Garabkan Kagoostay Kulmiye balse Waxa ay Xogtu Tibaaxday in ay Maxkamad ila Galayaan Faysal iyo musharaxiinta Ucid, taas oo Lafilayo in Badhtamaha Wiiga Dhagaysiga Dacwadoodu Kabilaabanto Maxkamada Somaliland.
Wararka Soogadhay Saxilnews Waxa ay Intaas Kudarayaan Muj-Ali Guray oo ah Gudoomiyaha Sadexaad ee Xisbiga Ucid uu Siwayn ugula Socdo Gudoomiye Faysal In Musharaxnimada Xisbiga Laga Wareejiyo Jamaal Cali Xuseen, Isaga oo Sida Lasheegay Goob Joog Ka ahaa Wadahadalada Dhexmaraya Gudoomiye Faysal iyo Garabka Kulmiye Kasoo Jabay ee Doonaya in Ay Awood Dhaqaale kula Wareegaan Xisbiga Ucid.
Ilaahada Wax War ah oo Arintan Laxidhiidha Kama Soobixin Dhinacyada Xisbiga Ucid Balse Xubno Sarsare oo kamida Hogaanka Xisbiga Ucid ee Laamaha Debeda Ayaa Iyagu u Xaqiijiyay Shabakada Somalilandlive.com ,Khilaafka Kadhex Bilaabmay Xisbiga Ucid Waxana Lagu Wadaa in Maalinta Bariya Sicad uu Arinta uga Hadlo jamaal Cali Xuseen iyo Kuxigeenkiisu.
Dhawaan Waraysi uu Shabakada saxilnews Siiyay Musharax Jamaal Cali Xuseen Waxa uu Meesha Kaasay in Xisbiga Ucid Looqabanayo Shir Danbe oo Musharax Loogu Dooranayo, Isaga oo Sidoo kalana Sheegay in ay faysal Cali Waraabe Ka Heshiiyeen Khilaafkii Dhexdooda.
Wixii Kasoo Kordha kalasoco Baahintayada Bari Hadii alle Idmo
Hargeisa/ Somaliland