Loollanka Awood kala Riixashadda Wejiyada Cusub Iyo Beretanka ilaha Dhaqaalaha oo soo Ifbaxay

0
20

Hargeysa (SAXILNEWS/Yool)-Digreetada Madaxweyne Siilaanyo hay’adda wadooyinka ku hoos-geeyey Wasaaradda hawlaha guud, ayaa daaha ka feyday loollanka wejiyada car-carta qaba ee awoodku maamulka Madaxweynaha, hay’adaas Mooshin sharci oo ku saabsan nidaamka ay ku shaqeyn lahayn iyo maamulkeeda uu hadda hor-yaalo golaha wakiilada si ay uu ansixiyaan.

Digreetada dihin ee Madaxweyne Axmed Silaanyo shalay soo saaray ayaa sida lagu sheegay Warar Wargeyska Yool helay, waxa ay ku timi kadiib markii qorshe ama talo ay soo shaxeeyen kooxda isbahaysiga Bidix dhexe ee xulufada la ah Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Bixi, sidoo kale-na uu loollanku ka dhexeeyo Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji xasan. Haddaba, sida ilahaasu tibaaxeen qorshaha ama shaxda wajiyada cusub ee amuurtan la xidhiidha waxa ay xuseen in qorshaha wareejinta Hay’da wadooyinku uu ahaa mid loogu waffeynaayo Wasiirka cusub ee hawlaha Guud Cali Mareexan, maadaama oo wasaaraddiisu aanay lahayan ilo dakhli kasoo baxo oo ku filan.

Waxa kaloo, xoguhuu intaa ku dareen, in xubnaha ku cusub awood ku maamulka Madaxweynaha ay ku heeshiiyen qorshe dakhli sameyn cusub ah, kaasoo sida la sheegay ay uu dejiyeen. Kow in Wasiirka cusub ee Madaxtooyada Maxmauud Xashi uu ku qaybo qasriga, halka sida iluhuu soo tabiyeena la isku waafaqay in Wasiir Cali Mareexan wasaaradda loogu daro Hay’da wadooyinka iyo maamulka kaalmada caalamka iyo Lacagaha wadooyinka ee Bulshada laga ururiyo. Haddaba warsaxaafadeedka Madaxweynaha oo faahfaahsan ayaa uu dhignaa sidan; “..Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Md. Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3673/112015 ku wareejiyey Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ooh ore u hoos Iman jirtay Madaxtooyada. “..Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Faqradda 2aad ee Xeer Madaxweyne Lr. 0273/102012 ee ku taariikhaysan 01/10/2012, oo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka lagu hoos geeyey Wasaaradda Madaxtooyada; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee Horumarinta Waddooyinku ugu fadhiyaan koboca dhaqaalaha Dalka; Markuu Tixgeliyey: Talada Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada iyo cidda ay khusayso;

Markuu Dersay: Baahida loo qabo in Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo hoos iman jirtay Wasaaradda Madaxtooyada la hoos geeyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka maadaama Xeerka Horumarinta Waddooyinka loo gudbiyey Baarlamaanka isla markaana wax badan ka qabsoomeen horumarinta waddooyinka; Markuu Garawsaday: Inay tahay xilli ku habboon in loo wareejiyo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka, Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka; Wuxuu Soo Saaray; In laga bilaabo taariikhda Xeerkan, ay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo hoos iman jirtay Wasaaradda Madaxtooyada lagu wareejiyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH.

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)..”.

N

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here