RA’IZUL WASAARAHA SOMALIYA IYO MASUULIYIIN KALE OO BOOQDAY XERADA QOXOOTIGA EE DHADHAAB+SAWIRRO

0
18

Dhadhaab (SAXILNEWS)_Ra’izul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo xubno katirsan Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa shalay booqasho waxa ay ku tageen xerada Qaxootiga Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya.

Xubnaha la socday Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya Waxaa kamid ahaa ,Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya, Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga , wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha , Madaxweynaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe iyo Masuuliyiin kale.

Ra’izul Wasaaraha iyo xubnaha la socday ayaa tagay qeybo badan oo kamid ah Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab, waxa ayna u kuurgalayeen xaalada nololeed ay ku sugan yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool Xeradaasi.

Waxa ay kulan kula qaateen xerada Dhadhaab Ra’izul Wasaaraha iyo Madaxda kale Madaxda Hay’aaha hay’adda UNHCR ee gacanta ku haysa qaxootiga Soomaalida kunool Xerada Dhadhaab, waxa ayna ka arinsadeen sida dib loogu celin karo qaxootigan dalkooda.

Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya oo la hadlay Qaxootiga ayaa sheegay in ay Dowlada dadaal ugu jirto sidii ay qaxootigan dalkooda dib ugu laaban lahaayeen yadoona laga shaqeenayo caawinaada ay helayaan iyo dib u noqoshadooda.

Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Kenya iyo Hay’adaha Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa ku heshiiyay in qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool Xeryaha qaxootiga Kenya dib loogu celiyo dalkooda si ay nolol cusu halkaasi uga bilaabaan.







 

 

 

 

 

 

 

 

Warsom

al

 

 

i.net/Burco Office

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here