WAR DEGDEG AH: Duufaanka JABBAALA iyo Badda Xeebaha Lughaya iyo Bulaxaar oo ku fatahay deegaanka barriga ku dhaw, waxyeelana gaadhsiiyay dadka iyo duunyadaba + dooon ku burburtay

0
20

Buluxaar (Saxilnews.com)-Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dadweynaha ku dhaqan deegaannada
xeebta woqooyiga Somaliland gaar ahaan xeebaha degmooyinka Bulaxaar
iyo Lughaya, waxa aad u kacday badda oo sababtay inay ku fatahdo
barriga ku dhaw oo meelaha ugu dheer ay gaadhay illaa 2km barriga gaar
ahaan sida xeelliga barrigu u kala hooseeyo. Fatahan ayaa yimi kadib
markii mawjadaha baddu kacsanaayeen illaa shalay iyo xalay oo ay
gaadheen 7-8m.

Wararku waxay  noo xaqijinayaan inay waxyeello badani soo gaadhay
dadka xoola dhaqatada ahaa ee dega xeelliga badda oo barakac
ballaadhani ku habsaday illaa xalay  kuwaasoo guryihii badda u dhawaa
iyo qoysaska qaarkood xoolihii gaar ahaan adhigii kala tageen biyuhu;
sidoo waxay ka dumisay qoysas badan guryihii degmooyinka Lughaya iyo
Bulaxaar. Boqolaal qoys ayaa ku barakacay oo iyagoo fara madhan
naftooda oo kaliya ula baxsaday xagga barriga ka durugsan biyaha.
Dadkaasi ma haystaan waxay cunaan iyo biyo cabbaan midna waayo waxba
kama ay qaadan guryahoodii, ceelashii biyaha ay ka cabbaayeenna waxa
soo gaadhay fataha badda.

Muwaadin xog ogaal ah oo lagu magacaabo Cabdi Yuusuf  Cali oo ku sugan
jiidda Lughaya ayaa shakabadda wararka ee Booramaonline uga waramay
siduu u bilaabmay duufaanku iyo xaaladdu siday immika tahay, waxanu
yidhi “labadii maalmood ee u dambeeyay baddu aad bay u kacsanayd,
waannu ka warhaynay in duufaanno ka dhaceen dalka Yemen, xagganna la
saadaalinayo. Mawjahadaha badda ayaa aad u kacay xalay  cawayskii oo
gaadhay illaa 7-8m  oo guuxoodi didiyay xoolihii fadhiyay xeelliga
badda.  Baddu si aan waligeed uga dhicin deegaankan ayay usoo fatahday
maanta oo meelaha ugu dheer waxay xagga barriga usoo gaadhay illaa
laba kun oo tallaabo, dhararka biyahaasi waa illaa misigta ayay
meelaha qaar kuu gaadhayaan, waxanay biyaha fatahay xagga fogaanta iyo
xagga dhererkaba u kala badanyihiin sida dhulku u kala hooseeyo.
Dadkii deganaa xeelliga badda iyo tuulooyinka ku xeeran sida Fuguxo
ayuu  barakaca u weyni ku dhacay xalay illaa maanta. Dadka qaar
xoolihii iyo natoodda uun bay kala baxeen, dadka qaarna xataa xoolihii
waliba adhigii wuu ka qaatay geel uu waxyeelay maan maqale. Boqolaal
qoys ayaa iyagoo aan buste ka haleelin garanwaaga iska dhex taagan
wakhtigan aan kula hadlayo.”

Waxay u baahanyihiin dadkaasi gurmad degdeg ah oo baad iyo biyaba leh,
waxanu yidhi Cabdi Yuusuf Cali. “Dadkii ku barakacay xalay illaa
maanta waxa ugu daran baad iyo biyo midna ma hayaan waayo waxba
kalamay soo bixin guryihii, ceelashii biyahana waxa soo gaadhay
fataha, xagga shishe ee maangadka uma bixi karaan waayo harraadbaa
dilaya markaa waxay ku dul meeraysanayaan garanwaaga iyo halka uu soo
joogo daadku ee waxay u baahanyihiin gurmad degdeg ah oo baad iyo
biyaba leh, waxay dadku u baahanyihiin baco iyo waxay cadceeda ka
galaan  iyo raashinba  ee warkayaga gaadhsiiya dawladda Somaliland.”

Cabdi Yuusu Cali wuxu ku daray intaas in duufaankani uu ku koobanyahay
fataahadda biyaha badda balse aanu jirin roob da’aya, dabaylo iyo
qabaw midnaba. “Xalay dhulku kulayl caadi ah ayuu ahaa iyo cimillo aad
u wanaagsan, cirkuna daruuro ma lahayn, immikana ma jiro roob da’ayaa.
Ma laha wax dabaylo ah iyo dhaxan midnaba laakiin dhibaatadu waa
fatahaaddan oo wax Ilaahay laga magangalo ah,” ayuu yidhi.
Dhinaca kale, Maayar-ku-xigeenka Gobolka Selel Cabdilqaadir Aden
Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaanay  soo gaadhin
xagga Saylac oo ay ka dulboodday xalay balse uu ka warqabo inay
waxyeeshay degmada Lughaya oo guryo badani ku dumeen. Guddoomiye ku
xigeenku wuxu tilmaamay inay burburiyay duufaanku doon ay lahayd
warshadda Kalluunka ee Lughaya. Waxa kale oo uu sheegay in dadka
badankiisu uga baxeen magaalada Lughaya xagga barriga ka durugsan
badda.

Dhibaatada ugu daran ee ka jirta xeebta waxa ka mid ah inaanay
warbaahinta madaxa bannaani waxba kala socon oo la soo socodsiin
xaaladaha ka jira dadweynaha iyo dawladaba si wax looga qabto, meelaha
qaarkoodna aanay kama jirin  ama adagtahay isgaadhsiinta telefoonku oo
aan lala xidhiidhi karin.
Ma jiro wax gurmad ah oo lagu badbaadinayo dadka noloshooda oo illaa
hadda cidi gaadhsiisay waana xaalad degdeg ah arrintaasi.

Waxa loo baahanyahay in Wasaaradda Dib u dejinta dawladda Somaliland
iyo dhammaan Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee arrimahani
khuseeyaan iyo hay’adaha samafalka iyo sidoo kale bulshada Somaliland
u gurmadaan dadweynaha jilicsan ee reer guuraaga ah ee ku waxyeeloobay
biyaha badda ku soo fatahay
Dufaanka Jabbaala waxay shalay ku dhufatay magaalada Mukhalla iyo
gobollo ka mid ah Yemen oo illaa hadda laga daad guraynayo dadka,
waxana hore loo saadaaliyay inay gacanka cadmeed uga soo gudubto
dhinaca Somaliland.
Waxan si naxariis leh uga codsanayaa dhammaan warbaahinta Somaliland
ee madaxa bannaan iyo warbaahinta dawladaba ee noocyada kala duwan leh
inay si degdeg ah uga dhaadhaacaan Dawga-cad oo indhahooda ugu soo
arkaan xaalada ka jirta xeebaha Bulaxaar iyo Lughaya maanta.

 

WWW.SAXILNEWS.COM

BEBERA-SOMALILAND

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here