Hargeysa(Dawan)Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo isbadalka Cimilada Shugri XaajI Ismaaciil Baandare iyo Guddoomiyaha Gobalka Maroodijeex Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro ayaa kormeer ku tegay Deegaanka Dabis ee degmada Cadaadlay oo laga hirgalinayo Mashruuc goob dalxiis.
Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo isbadalka Cimilada Shugri Xaajj Ismaaciil Baandare ayaa sheegtay muhiimada Mashruucani u leeyahay dalka.Waxaana ay tidhi”Dabis waxa ay ku jirtaa Sideed saymo kaymood ee dalka leeyahay Mashruuca ka socdana Dawlada Somaliland ayaa gacanta ku haysa,waana seero iyo kaymo iskujira Ugaadhii ayaa joogta oo aanu ku xanaanaynaa.waxaana aanu doonaynaa shacab ahaan in aynu ka wada shaqayno, waana in niyada la galiyo in dhulka dawladu leedahay oo ka masuul tahay oo wax loogu talo galay,”.
Guddoomiyaha Gobalka Maroodijeex Maxamed Axmed Caalin ayaa waxa uu usoo jeediyay dadka deegaanka Dabis in la shaqeeyaan Wasaarada Deegaanka iyo isbadalka Cimilada.Waxaana uu yidhi”Waxa halkan u nimid seeraha ku yaala Dabis sidii loo dardargalin lahaa,waxaana cabasho ka timid odayaasha Deegaanka Dabis.si wanaagsan ayaana laysku afgartay waanay dhamaatay,waana in lala shaqeeyo Wasaarada Deegaanka iyo isbadalka Cimilada.meelaha ugu quruxda badan ayaanay ku jiraan seerahani ee dalxiis loo iman doono,”.
Sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Cadaadlay Mustafe Axmed Cilmi ayaa waxa uu tilmaamay in Mashruucan Wasaarada Deegaanka iyo isbadalka Cimilada ka hirgalinayso deegaanka Dabis uu qiimo u leeyahay xaga dalxiiska.