Kacbada barakaysan oo gudaheeda la dhaqo sanadkii saddex jeer, oo ah dhaqan soo bilowday xilligii Nebi Muxammed NNKH ayaa waxaa xalay ka dhacay arrin kale oo weyn oo muhiim ah. Arrinka kusoo beegmay curashada sanadka cusub ee Islaamka ee Hijriga ee 1445 iyo maalinka koowaad ee bisha Muxaram.
Tirsiga Hijriga ayaa laga soo bilaabaa xilligii Nebi Muxammed iyo asxaabtiisa ay ka socdaaleen magaalada Maka 1,400 oo sano kahor si ay uga baxsadaan cadaadiska uga imaanayay carabtee halkaas degeneyd. Waxay u socdaaleen magaalada Madiina oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Socdaalkaas ayaa dhidibada u taagay dowladdii ugu horreysay oo Islaam oo hoggaaminayay Nebi Muxammed, taas oo ka hanaqaatay magaalada Madiina. Laakiin waxaa tirsiga sanadka ee Muslimiinta la bilaabay 17 sano kadib socdaalkaas, iyada oo uu hirgeliyay khaliifkii labaad Cumar Binu Khadaab.
Sidee loo dhaqaa Kacbada?
Ilaa xilligii Nebi Muxammed waxaa kacbada la dhaqi jiray saddex jeer sanad kasta. Markii ugu horreysay ee la dhaqay waxay ahayd xilligii ay Muslimiinta qabsadeen magaalada Makah iyo kacbada. Waxaa dhaqankaas dhaxlay oo horey usii waday dawladihii muslimiinta ee u kala dambeeyay sida khulafadii, Umawiyiintii, Cabaasiyiintii, Cusmaaniyiintii, iyo Boqortooyadan Reer Aala-Sacuud.
Laakiin bilowgii qarnigii 18-aad oo ay xilliga ay dhalatay boqortooyadan saddexaad ee Reer Aala-Sacuud ee uu hogaaminayay Boqor Cabdicasiis ayaa dhaqmada Kacbada lagu koobay labo mar oo keliya sanadkii, labadaas mar oo kala ah15-ka bisha Muxaram iyo 10-ka Shacbaan. Markale ayaa sanadkii 2016kii wax laga bedelay xilliyada la dhaqo Kacbada iyada oo lagu soo koobay 15-ka Muxaram oo kaliya. Marwalba oo la dhaqayo kacbada waxaa la nadiifiyaa gudaha iyo dibeda iyada oo lagu tirtirayo maro yar iyo shukumaan oo la dhexgeliyay biyo la isku daray oo ah Samsam iyo Maa’ul Wardi. Biyaha lagu dhaqo kacbada oo lagu Cuud iyo barafuun ayaa maalin kahor lasii diyaariyaa.
Yaa hayo furaha Kacbada?
Furaha kacbada waxaa la soo kala dhexlayay tan iyo wakhtigiii Nebi Ibraahim uu kacbada dhisay. Furaha waxa loo dhiibay Nebi Ismaaciil, waana la isku soo kala wareejinayay illaa xilligii Qureesh uu gacantooda galay. Axmed Adan Dagaal (Axmed Safiina) oo ka faalooda taariikhda islaamka ayaa BBC u sheegay: in wakhtigii Nebigu dhashay beelaha Qureysh shaqada Xaramka ay u qaybsanayd oo ay kala lahaayeen.
“Reer Banii Haashim oo uu Nebigu ka dhashay waxay lahaayeen oo ay hayeen furaha ceelka samsamka iyo waraabinta xujayda oo loo yaqaanay (Al-Siqaaya). Furaha Kacbadan waxa hayay beesha reer Baniishayba,” ayuu yiri.
Hadda waxaa furaha haya Sheekh Saalax AlShaiba, oo ah qofkii 108-aad iyo tafiirtii Cuthmaan ibn Talxa (RC) oo Nebi Muxamed NNKH uu dhiibay furaha Kacbada una ballan qaaday ilaalinta kacbada qarniyaha soo socda, Sida lagu baahiyay bogga rasmiga ee Xaramayn Shariifayn. Al-Shaibi waxa uu ku dhashay magaalada Makkah, waxa uuna shahaadada PhD ee ugu sarreysa jaamacadda ku qaatay culuunta Islaamka. Waxa u horay u soo noqday bare jaamacadeed, waxaanu soo saaray buugaag badan oo ka hadlaya diinta iyo taariikhda Islaamka. Waxa uu furaha kacbada hayaa ilaa sanadkii 2013kii markaas oo uu kala wareegay adeerkiis Cabdulqaadir Taxa Al-Shaibi oo geeriyooday.
Dharka Kacbada oo la bedelay xalay
Si la mid ah dhaqmada kabcada ee sanadkii hal mar, waxaa sidoo kale sanadkii ba mar la bedelaa marada ku dadan kacbada. Dhaqankaas ayaa isna laga dhaxlay Nebi Muxammed oo Xajkiisii ugu dambeeyay ku daday kacbada dhar cad oo leh jiidimo cas oo Yemen laga keenay. Laakiin saddexdii khaliif ee dhaxlay Nebiga ayaa ku daday kacbada maras cas xilligoodii.
Markale, Xalay oo ku beegneyd curashada sanadka cusub ee Islaamka ayaa, sida dhaqanku ahaa, la bedelay dharka ku haggoogan kacbada ee loo yaqaan Kiswa. Howshaas waxaa ka qeybqaatay 130 qof oo isugu jira farsamoyaqaanno iyo kuwa dharka sameeya, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga. Waxaa lagu beegay maalinka koowaad ee Muxaram iyo sanadka Islaamka 1445.
Dharka cusub ee lagu hagoogay kacbada ayaa ka sameysan xariir aan waxba lagu darin, 120 kiilogaraam oo xargaha dahabka ah, iyo 100 kiilogaraam oo xargaha qalinka ah. Marada cusub ayaa loo sameeyay si taxadar leh iyada oo la adeegsanayo mashiinka ugu weyn dunida ee dharka tola. Waxay ka kooban tahay dhar ka sameysan xariir madow oo gacanta lagu la tolay dahab iyo aayado ka mid ah Qur’aanka. Koox khuburo ah oo xirfad sare leh ayaa kormeerayay hanaanka dharka looga bedelay kacbada, oo ah howl ka kooban 56 qeyb oo dahab ku xardhan yahay, taas oo qeyb walba oo ka mid ah howsheedu ay qaadatay inta u dhexeysa 60-120 maalin si loo dhammeystiro.
Koox khaas ah ayaa kormeeray dhammaan habka lagu beddelayo Kiswa, kaas oo ka kooban 56 xabbo oo dahab ah oo mid walbaa qaadanayso 60-120 maalmood in la dhammaystiro, El Ekhbariya ayaa werisay.