Qurbajooga Gobolka Saaxil Oo Warmurtiyeed Kasoo Saaray Boobka Ay Xukuumada Silaanyo Kuhayso Gobolka Saaxil

0
15

London (SAXILNEWS)_Digniin Culus Waxay qurbajooga beesha ciise muuse  ee UK  ee ka soo jeeda gobolada Togdheer, Saaxil iyo Maroodi jeex  Waxy  digniin culus  u dirayaan xukumada siilaanyo oo si xaaraan ah u cadaysatay boobka hantida qaranka somaliland  Ee Umada Kawada Dhaxaysa Qurbajooga beeshu waxay  Aaminsanyiin  in boobka  hantida oo ay u dambaysay wareejinta haamaha kaydka shidaalka berbera taas oo baarlamaanka somaliland go’aan ka gaadhay in’aan la wareejin karin balse ay xukumadu Baal martay distuurkii iyo sharcigii somaliland  haday xukumadu sharciga tuurtana   Aan shacbigu  ilaalin doonin Waxaanu ka digaynaa cawaaqib  xumada ka dhalan karta falkaas ay xukumada siilaanyo masuulka ka tahay. Kaas oo Aan ku koobnaan doonin cid gaara balse gaadhi doona dhamaan gobolada somaliland xaalkuna faraa ka bixi doono hadaan dhinac looga soo wada jeesan boobka hantida qaranka ay ku hayso xukumada maanta joogtaa. Alaa mahad le Gudoomiyaha qurbajooga ciise muuse e UK Cabdiraxman maxamuud yaasiin iyo dhamaan gudiyada fulinta

 

 

SAXILNEWS005@GMAIL.COM

saxilnews office london

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here