Puntaland (SAXILNEWS)_Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil CIYOON, oo wareysi siiyey VOA-da ayaa sharraxaad ka bixiyey sababta ay ciidamada Puntland u af-duubeen xubno Somaliland ka socday.
Cumar Jaamac Faarax oo ka mid ahaa dadka la af-duubay ee lasii daayey, oo wareysi siiyey idaacadda VOA-da ayaa sheegay in ciidamada af-duubtay ay ahaayeen kuwa Puntland, ayna kasoo horjeedeen howlaha la xidhiidha doorashooyinka ee xubnaha la af-duubay ay ka wadeen gobolka Sanaag.
Maxamuud Ismaaciil CIYOON, oo wareysi siiyey VOA-da ayaa sheegay in sababta dadkan loo xidhay ay ahayd ayaga oo arrimo la xidhiidha doorashada Somaliland ka wada deegaano ay maamusho Puntland, sida uu sheegay.
Guddoomiyaha waxa kale oo uu sheegay in sii daynta dadkan ku xidhnaa Badhan uu amray madaxweynaha Puntland.
Maxamed ilkacase
hargeisa office
berbera2002@gmail.com