“Waxan Halkan Ku Beeninayaa Warar Sheegayey In Kulankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Wefdigii Uu Hoggaaminayey Ay La Qaateen Jaalliyadda Reer UK Ay Kooxi Isku Dayday Inay Carqaladayso Hotel-Ka Lagu Qabanayey”. Wakiilka Somaliland Ee UK

0
17

London (Saxilnews)_Waxan halkan ku beeninayaa warar sheegayey in kulankii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefdigii uu hoggaaminayey ay la qaateen jaalliyadda reer UK ay kooxi isku dayday inay carqaladayso hotel-ka lagu qabanayey. Warkaasi waxa kale oo uu raaciyey in Duqa Caasimadda London arrinkaa soo dhex galay oo amray in kulanka la qabto, baadhisna lagu wado sidii wax u dhaceen. Haddaba annagoo ah Safaaradda Somaliland ee UK ahayna ciddii masuulka ka ahayd hawlaha qaban qaabada kulana waxanu halkan ku caddaynaynaa in aanay waxba ka jirin wararka noocaas ah, shirkuna si wacan oo farxad, nabad iyo waddaniyad leh u qabsoomay. Waxan saxaafadda Somaliland u soo jeedinayaa inay ka taxaddiraan wararka ay baahinayaan isla markaana raalli gelin ka bixiyaan qaladkaa ay ka galeen ummadda Somaliland iyo masuuliinta dalkan UK ee aynu saaxiibka nahay. Waxan halkan uga mahad celinayaa dhammaan dadkii qaybta libaax ka qaatay soo dhoweynta wefdiga madaxweynahay Jamhuuriyadda Somaliland intii ay booqanayeen Ireland iyo UK. Allaa Mahad leh. Ali A Awale Wakiilka Somaliland ee UK

 

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here