Hargeysa(Dawan):-Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE,ayaa guud ahaan bulshada Somaliland ugu baaqay in ay qaataan kaadhka codbiyaha dadkii la diiwaan geliyay, iyadoo qaybinta kaadhka codbixiyaha ay dalka ka bilaabayaan gudida doorashooyinka qaranku .
Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Xuseen Axmed Cabdidheere,ayaa sheegay in heegay in ay tahay xuquuq qofku leeyahay in uu qaato Kaadhka Diwaangalinta
Codbixiyeyaasha,isla,markaana muhiim u tahay dalka kaadh qaadashadu.
waxaanu,yidhi”Waxaan fariin u dirayaa Shacabka Somaliland ee Gobolada dalka,waa xuquuq qof ku leeyahay in uu qaato Kaadhka Diwaangalinta Codbixiyayaasha.markaa waxa aan usoo jeedinayaa shacabka Somaliland gaar ahaan taageereyaasha Xisbiga Kulmiye meel kasta oo ay joogaan waa in ay qaataan Kaadhka Diwaangalinta Codbixiyayaasha intii isdiwaangalisay,waxaanay kaadh qaybintu dalka ka bilaabmaysaa 31 bishan May gaar ahaan Gobolada Awdal Saaxil iyo Sanaag.markaa waa in loo diyaargaroobo sidii kaadhadhka loo qaadan lahaa waxaanay muhiim u tahay kaadhqaadashadu dalka,”.
Sidoo kale Axmed Cabdidheere ayaa waxa uu tilmaamay in la qaban doono Doorashadii Ururada Siyaasada iyo Axsaabta iyo doorashadii Madaxweynaha”Waxa inagu soo fool leh doorashadii Ururada Siyaasadda iyo Axsaabta qaranka iyo Doorashadii Madaxweynaha,waxaan halkan ka hambalyaynayaa Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumadiisa oo hore u qabtay doorashooyinkii Golaha Wakiilada iyo Goleyaasha Deegaanka oo si wanaagsan inoogu qabsoontay.waxa kale oo si wanaagsan inoogu dhacaday kala reebistii Ururada Siyaasada iyo Diwaangalinta Codbixiyayaasha oo aanay jirin cid inaga caawisay oo dalka laga qabtay,”.ayuu yidhi Axmed Cabdidheere.