Warbixin Sawir-guud ka Bixinaysa Diyaargarowga Xuska Maalinta Qarannimada JSL ee 18-ka May

0
123

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Laba iyo sodon guurada maalinta Qaranimada Somaliland iyo jiilka ku dhashay waalidkana ku noqday gooni isu taaga Somaliland iyo dabaaldega ay u diyaargaroobeen.

Guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland ayaa looga diyaargaroobaya dhaqdhaqaaqeeduna si xawliya ku socda xuska maalinta Qaranimada Somaliland ee 18-ka May, oo lagu dhawaaqay 1991-kii, marka laga reebo jiilkii maalinta joogay, maantana xaadirka u ah ee nasiibku ku simay una dabaaldegaya maalinta Qaranimada waxa ka badan oo ay qiimo gaara u leedahay dhalinyaradii ku dhalatay la soonoqoshada madax-bannaaniada Somaliland ku dhawaaqisteedii kadib, oo ay sannad guurada 32-aad ee maalinta Qaranimada Somaliland wada xusayaan iyaga iyo ubadkoodii ay ku dhaleen.

Laba iyo sodon jiro wiilal iyo gabadhaba leh oo hooyooyin iyo aabayaala iyo ubadkii ay dhalleen oo Qaranimada Somaliland kuna dhashay kuna dhalay ayaa u diyaara dabaaldegeeda.

Sidoo kalena u diyaara difaaceeda oo kuwii ku dhashay maanta ciidan u yihiin.

Diyaargarowguna waxa uu ka socda guud ahaan gobollada iyo degmooyinka, tuulayaasha iyo jidadka, waddooyinka iyo fargaarayaasha.

Astaamaha dabaaldega iyo udiyaargarowga maalinta Qaranimada ayaa noqday astaanta ugu badan ee la sita calanka Qaranka Somaliland, qaar dhar ka toshay, kuwa huwaday, kuwa baabuurtooda kawada dhigay iyo carruur sida dharka ciida ugu helaan xidhashada dhar calanka Somaliland ah, waxaana soo baxay suuq ganacsi oo dhalinyarada suuqa ka xoogsata ay bulshadu kaga iibsanayso calanka Qaranka oo siyaabo kala duwan loo sameeyay, goyaal, fargalo, koofiyado, saacado iyo muraayadaha indhaha iyo astaamo kale.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here