Borama (Saxilnews.com)-Gudoomiyaha gobolka Awdal Mudane Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax
Waa Gudoomiyihii ugu Waxqabad ka Badnaa ee Soo mara guud ahaan gobolka Awdal
Marka Loo eego Waxqabadyada iyo horumarada dawladihii kala dam dambeeyey ee dalka soomaaliland soo maray gaar ahaan maamuladii gobolka Awdal ka Soo Maamulayey waqtiyadii hore
Tan iyo markii loo soo magaacabay gudoomiye ramaax gobolka Awdal waxa dhismey kaabayaashii horumar gobolka,dhinaca kale waxa si aad u toosey hanaanka dawladnimo oo in badan ka maqnaa Awdal
Dhamaan shaqo maalmeedkii gobolka Awdal ee masuuliyiintii iskuduwayaashii fadhiidka gabi ahaanbtoodba la toosey laguna jiheeyey hanaanka maamul ee dalka
Mudane Ramaax waxa uu uga waxqabad badan yahay gobolka masuuliyiintii u dhashay gobolka Awdal, kuwaasoo horey xilal uga qabtey gobolka Awdal
Bulshada ku dhaqan magaalo madaxda gobolka Awdal ee magaalada Boorama ayaa si cadugu qanceen waxqabadka Gudoomiye Mudane Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax
Wasaarado tiro badan oo xafiiyadoodu ka maqnaayeen gobolka Awdal Lana hirgaliyey gudoomiye Ramaax intii uu gobolka Awdal Joogey waxana dhismey wasaarado badan ka mid yihiin
• Wasaarada macdantaiyo tamarta
• Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha bulshada
• Wasaarada Deegaank iyo Horumarinta Reermiyiga
• Wasaarada Dib u dajinta gobolka Awdal
• Wasaarada Xanaanada Xoolaha
• Dhismaha Wasarada Maaliyada oo dhismaheedu socdo oo laba dabaqa
• Dhismaha Guriga Martida ee gobolka Awdal
• Mashruucyo dawlada kuweyt ka hirgalinayso gobolka Awdal oo dhawaan dhismayaashiisa bilaabmi doonaan kaasi oo dadbadani ka faaiideysan doonaan
• Baabuurtii gaadiiidka Dab damiska ee magaalada Boorama soo iibsatey oo waqtiyo hore sida dhagaaxaanta meel uun yaalay, balse Shaqadoodi la socod siiyey lana hirgaliyey
Xidhiidhka Dhexeeya bulshada gobolka Awdal iyo gudoomiye Ramaax waxa uu yahay kii abid ugu wanaagsana ee dhexmara mamul iyo bulshadiisa
Balse waxa ka biyo diidsan maamulka gudoomiye Ramaax ee cadaalada ,sinaanta waxqabadka iyo hourumarka ku dhisan
Shaqsiyaad tiro yar oo caadafid iyo xumaan ku dheehentahay bulshadan dhanka xun waxa ka tusa ee aanan wanaaga iyo horumark gudoomiyaha ka soo horjeeda
Marka la isbar bar dhigo gudoomiye Ramaax iyo Gudoomiyihii Ka Horeeyey Cabdoo Axmed Ayaar waa kaaf iyo kala dheeri balse waxay ka simanaayeen maamulka dawladnimo ee dalka ka jira
Gudoomiye Cabdoo Axmed Aayar waxa uu xidhiidh toosa la lahaa Beelaha Makaahiil gar ahaan Jufada uu Suldaan Abibakar Cilmi Wabar uu suldaanka u yahay ee Jibriilyoonis
Waxana uu fogeeyey Beelaha Maxamed Case iyo Beelaha Habar cafaan
Gudoomiye Ramaax waxa uu ku guuleystey sidii uu mideylaha beelaha Gadabuursi ee Habar-Cafaan Maxamed Case iyo Makaahiil horumar Buuxana isku garab taagay
Waxa xasuus mudan markii uu baxay suldaan Wabar 4december 2014 ,Cabdoo Axmed Aayar waxa uu hoos u dhacweyn u gaystey hanaankii dawladnimo gobolka Awdal Ka Jirey ,Mar uu arrintaasi ka hadlayey waxa uu sheegay “in Cadaadiska Ciidan Dawladnimo La Saarey gobolka Awdal laga dulqaado si uu Suldaan Wabar uu xidhiidhkooda u sii Wanaajiyo” waqtigaasin uu kacdoonka suldan wabar uu duurk galay
Gudoomiye Ramaax waxa uu si cad ugu gacan saydhay ugana hor yimid kacdoonka Suldaan Wabar isagoo maamulka dawladnimo ee gobolka ka Jira Kalsooni weyn ku qaba
Waxase ku Qanciwaayay go’aamada adag uu qaatey Gudoomiye Ramaax taageerayaasha tirada yar leh suldan wabar oo ay ugu horeeyaan qaark mid ah qolqoljooga iyo qurbajooga oo fadhi ku diriri ku taageera Wabar
Isku soo wada Duuboo Gudoomiye Ramaax waxa uu gobolka uga lexejeclo badan yahay masuuliyintii u dhashay gobolka Awdal ee iyagu horey xilalka uga qabtey gobolka Awdal.waxan qofkasta oo lexejeclo kaga jirto gobolka awdel u soo jedinaya inuu noqdo sida gudoomiye ramax.
qalinkii.wariye ahmed diiriye ciiltire.