Xiisad Ka Soo Cusboonaatay Berbera Iyo Ciidamada Qaranka Oo Xoog Kula Wareegay Xarunta Haamaha Shidaalka Berbera

0
23
Berbera (SAXILNEWS)_Wararka naga soo gaadhaya magaalada Berbera ayaa sheegay in haamihii shidaalka Berbera hadda xoog lagu wareejiyey iyadoo uu xilkii wareejiyey maareeyihii hore sh. saleebaan, kuna wareejiyey shaqsi ay shirkadaha  macaash doonka ahi u soo xusheen  xilkaa .
waxaana hada ku sugan Haamah gudahooda wasiirkii wasaarada ganacsiga dr Muuse Qaasim iyo wasiir Kuxigeenadii wasaaradaha xanaanada xoolaha Cali Maxamed Cilmi(Cali Gadheer) iyo wasiir kuxigeenkii wasaarada ganacsiga Bashiir Cabdi xariir waxa iyana  goob joog ka ah masuuliyiinta Heer gobol Heer degmo iyo maamulka sare ee dekeda Berbera.
Haddaba xukuumadda oo adeegsanaysa ciidamada Qaranka somaliland ayaa saaka cudud ciidan ku wareejisay haamaha shidaalka Berbera, iyadoo ilaa hadda ay ciidamo badan ka wareegsan-yihiin xaruntaha hamaha,isla markaana shaqaalihii debada loo soo dareeriyey.
Dhanka kalena shaqaalihii ka shaqaynayey xarunta haamaha shidaalka Berbera ayaa shaqo joojin bilaabay saaka, waxaanay dalbanayaa in xaqoodii la siiyo, iyadoo ay xusid mudantahay  inay xanibanyihii booyadii shidaalka soo qaadi jiray  oo la la’yahay cid dhaamis.

lasoco goordhow wixxii wara ee ka soo kordha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here