Markay Booliska iyo Bulshadu wada Shaqeeyaan Waxkasta oo Xun Waynu ka Hortegi kartaa.”Taliyaha Booliska

0
187

Hargeysa(Dawan):- Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale,ayaa bulshada ku boorriyay wada shaqaynta booliska iyo  shacabka oo uu sheegay in iskaashiga booliska iyo bulshadu in uu was kasta oo xun Meesha ka saari karo isla markaana ammaanka guud ee Somaliland uu noqonayo mid sida hadda uu yahay u sugan oo aan cid dhibaato waddaa ku soo dhex dhuuman Karin dadka.

 

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland  Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi oo kormeer ku sameeyay  suuqyada waawayn ee caasimadda Hargeysa ee Gobanimo iyo Waaheen isla markaana u kur galay sida ciidanka boolisku u shaqaynayaan ee ay uga hr tegayaan tuugta iyo dadka dhibaateeya bulshada suuqyada ka adeeganaysa iyo sida ay u shaqaynayaan laanta ciidanka nabad gelyada waddooyina ee  booliska o iyaguna heegan ugu  jira habeenada ugu dambeeya ee bisha barakaysan ee Ramadaanka iyo saxmada Suuqyada Caasimadda.

Taliyaha booliska oo xog waraysanayay bulshada suuqyada Waaheen iyo Gobanimo ka adeeganaysa iyo ganacsatada kala duwan ee meheradaha ku haysta,ayaa yidhi. “ halkan waxa aanu u nimid boolisku waxay nasiiyaan warbixin wanaagsan oo qurux badan, marka bal in aanu ogaano in bulshadu sidaa la qabaan iyo in kale, dadku waxay leeyihiin boolisku wuu noo shaqeeya, wuu noo shaqeeya balse waxa aanu jecelahay dhaliishana in la sheego, haday jirto.”

 

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyaya ”tuugta iyo cidkasta oo ku hawlan in ay wax dhacaan haddii booliska iyo bulshadu wada shaqeeyaan waxaasoo dhan waa la waayayaa, booliska amniga sugaya marka ay xaafadaha tagaan waa la shiidaa ee shiidka innaga daaya,”

Ugu dambayn taliyaha booiska ayaa bulshada uu suqyada Caasimada kula kulmay waydiiyay su’aal,waxaanu ku yidhi. “boolisku ma shaqaynayaan mise annaga ayaad noo camiraysaan hadday dhaliili jirto noo sheega.”

Su’aashaas ayay bulshadu si dareen leh uga jawaabeen isla markaana sheegeen in ciidanka boolisku si wanaagsan u shaqaynayaan  shaqada boolisku ay hayaanna ay tahay ta suura gelisay in habeen badh suuqyada caasimadda laga adeegto oo waagu ugu beryo dadka oo soconaya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here